Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee JFS, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi.
Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada horumarinta, maalgashiga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.
Wasiiru-dowlaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada la xiriira xasilloonida iyo dowlad dhiska.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo dadaaladda joogtada ah ee ku aaddan mudnaanta labada dal iyo arrimaha gobolka.











