Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore, inta badan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada ayaa lagu qabtay magaalad Toronto.
Munaasabaddan heerka sare oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Canada ee loo yaqaano GALA CANADA ayaa waxaa lagu soo bandhigay caqabadaha heysta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo waxyaabihii ugu dambeeyey ee ururku u qabtay Dhalinyarada.
Guddoomiyaha Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Canada Cusmaan Cali oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn mahad celin ballaaran u jeediyey Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Baarlamaannada kala duwan ee dalkaasi ku metela Soomaalida sida ay dadkooda ula dareen yihiin mar walba waxaana uu ballan qaaday inuu sii laba jibaari doono wax u qabashada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi Canada ku nool.
Xildhibaan Maxamed Firin oo ka tirsan Baarlamaanka Ontario oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada dadaallada joogtada ah ee ay mar walba ugu adeegayaan dhalinyarada waxaana uu ballan qaaday in dhankooda ay si buuxda u garab taagan yihiin.
Gebagebadii Munaasabadda maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada ee 4 October waxaa abaal marinno kala gedisan lagu guddoon siiyey shirkado iyo shaqsiyaad ku suntan iney si weyn u garab istaageen Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada gaar ahaanna dhalinyarada wadanka ku cusub ee garabka u baahan.











