Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee (EU-Somalia Business Forum 2026) oo labo maalin ah ka socotay caasimadda Muqdisho, taasi oo ay isugu yimaadeen Bah-wadaagta Horumarinta, Hayโadaha Maaliyadeed iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee ka jira Soomaaliya iyo Yurub.
Raโiisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta diyaar u tahay in adduunyadu maalgashi ku samayso khayraadkeeda dihan ee istaraatiijiga ah, iyada oo laga faaโideysanayo meesha ay ku taallo ee muhiimka ah iyo nabadda ka hirgashay guud ahaan dalka.
โSoomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay dhahdo cid walba oo doonaysa in ay dalkaan ka faaโideysato, nala saaxiibto, nala qaadato amniga iyo midnimada dalkeenna, gacmo furan kusoo dhawaada. Marka aan sidaas leennahay waxa aan aaminsannahay in aan soo buuxinay shuruudihii lagu maalgashan laha Soomaaliyaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Raโiisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay wax badan ka qabatay amniga dalka iyo dib-u-habeynta heyโadaha Qaranka, waxa uu sheegay in dalkeennu u jihaystay horumarinta dhaqaalaha, kobcinta kaabeyaasha horumarineed iyada oo la sameeyay dhammaan shuruucdii saldhigga u ahayd hirgalinta nidaam dhaqaale oo sugan, la isku halleyn karo, isla markaana ogolaanaya in bulshada Soomaaliyeed gaarto isku filnaansho buuxa.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay Badda ugu dheer Afrika, Khayraad dhanka macdanta ah oo aan wali laga faaโideysan, xoolo iyo Dhul-Beereed aad u baaxad weyn, ayna diyaar u tahay dhammaan noocyada maalgashi ee dunidu doonayso.
Ugu dambayn, Raโiisul Wasaaraha, ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay doorkooda muhiimka ah iyo xiriirka saaxiibtinnimo ee ay la leeyihiin Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin maalgashiga dhinacyada kala duwan, isaga oo ugu baaqay in ay faaโideystaan fursadaha kala duwan ee ka jira dalkeenna.











