Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, caafimaadka, doorashooyinka, ganacsiga iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Shirka oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa looga dhagaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, F & dib-u-heshiisiinta, warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo si guul ah ku soo dhammaaday, iyada oo goluhu bogaadiyey habka dimoqraadiga ah ee ay dadweynuhu ugu dareereen doorashada, taas oo qeyb ka ah dedaalada xukuumadda ee la xiriira fulinta dastuurka jamhuuriyadda oo marayo marxaladdo kala duwan.
Kulanka Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan faaโiidooyinka lagu helay kamid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xubinimadeeda laga dhaxlay in ardayda Soomaaliyeed ay jaamacadaha ku dhigtaan qidmadda goโan ee Bariga Afrika, halka dalxiisayaasha aanan laga qaadin lacagaha ajaaniibta kale. Sidoo kalena ganacsatada iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed ay fursad u heleen in aanan lala tiigsan xeerar cusub oo dalalka qaar ku mamnuuceen ajaaniibta.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Xiriirka Caalamiga ah, ayaa warbixinta ku sheegtay in ku biirista Bulshada Bariga Afrika, ay dadkeenna u fududeysay arrimaha degenaanshaha, socdaalka iyo caafimaadka, waxa ayna intaas ku dartay in markii ugu horreysay Soomaaliya loo sameeyay qoondo shaqaalaha joogtada ah ee Bulshada Bariga Afrika.
Waaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda cudurka Ebola iyo tallaabooyinka looga hortagayo in cudurku soo gaaro dalka. Warbixinta kadib, Golaha Wasiiradda ayaa meelmariyay qaraar ku saabsan sidii looga diyaar-garoobi lahaa cudurka safmarka ah ee Ebola, waxaana loo saaray guddi ka kooban 6 Wasaaradood oo uu guddoomiyanayo Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Mudane Jibriil Xaaji Cabdi, waxana ay kala yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibedda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, ayaa iyaduna Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka uu marayo geeddi-socodka ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) oo soo socday muddo 10 sanadood ah, kaas oo maraya meel gebogebo ah, Soomaaliyana ay dhammaystireyso dhammaan shuruudihii looga baahnaa, oo ay ka mid tahay jaangoynta tariifooyinka badeedaha dibedda ka yimaadda iyo dhismaha hayโado maamul.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargaliyo howlaha Xukuumadda DanQaran horyaalla ee mudnaanta u leh iyo xoojinta wada-shaqeynta hayโadaha Qaranka, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda ee sanadkan, gaar ahaan adeegyada la doonayo in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyn, Golaha Wasiiradda ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood , kadib soo jeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.











