Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, caafimaadka, doorashooyinka, ganacsiga iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Shirka oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa looga dhagaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, F & dib-u-heshiisiinta, warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo si guul ah ku soo dhammaaday, iyada oo goluhu bogaadiyey habka dimoqraadiga ah ee ay dadweynuhu ugu dareereen doorashada, taas oo qeyb ka ah dedaalada xukuumadda ee la xiriira fulinta dastuurka jamhuuriyadda oo marayo marxaladdo kala duwan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Kulanka Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan faaโ€™iidooyinka lagu helay kamid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xubinimadeeda laga dhaxlay in ardayda Soomaaliyeed ay jaamacadaha ku dhigtaan qidmadda goโ€™an ee Bariga Afrika, halka dalxiisayaasha aanan laga qaadin lacagaha ajaaniibta kale. Sidoo kalena ganacsatada iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed ay fursad u heleen in aanan lala tiigsan xeerar cusub oo dalalka qaar ku mamnuuceen ajaaniibta.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Xiriirka Caalamiga ah, ayaa warbixinta ku sheegtay in ku biirista Bulshada Bariga Afrika, ay dadkeenna u fududeysay arrimaha degenaanshaha, socdaalka iyo caafimaadka, waxa ayna intaas ku dartay in markii ugu horreysay Soomaaliya loo sameeyay qoondo shaqaalaha joogtada ah ee Bulshada Bariga Afrika.

Waaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda cudurka Ebola iyo tallaabooyinka looga hortagayo in cudurku soo gaaro dalka. Warbixinta kadib, Golaha Wasiiradda ayaa meelmariyay qaraar ku saabsan sidii looga diyaar-garoobi lahaa cudurka safmarka ah ee Ebola, waxaana loo saaray guddi ka kooban 6 Wasaaradood oo uu guddoomiyanayo Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Mudane Jibriil Xaaji Cabdi, waxana ay kala yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibedda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, ayaa iyaduna Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka uu marayo geeddi-socodka ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) oo soo socday muddo 10 sanadood ah, kaas oo maraya meel gebogebo ah, Soomaaliyana ay dhammaystireyso dhammaan shuruudihii looga baahnaa, oo ay ka mid tahay jaangoynta tariifooyinka badeedaha dibedda ka yimaadda iyo dhismaha hayโ€™ado maamul.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargaliyo howlaha Xukuumadda DanQaran horyaalla ee mudnaanta u leh iyo xoojinta wada-shaqeynta hayโ€™adaha Qaranka, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda ee sanadkan, gaar ahaan adeegyada la doonayo in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiiradda ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood , kadib soo jeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

Previous Post

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

Next Post

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. ร…sa Regnรฉr oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

๐Š๐ฎ-๐’๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š

October 26, 2026
0

Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In