RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu jiraan,xaqiijinta amniga deegaanada gobolka Hiiraan.
Ciidanka ayaa howlgallada ka wada deegaanada hoostaga degmada Maxaas, iyagoo ujeeddadu tahay in la wiiqo dhaq-dhaqaaqa kooxda Khawaarijta, lagana hortago falalka amni-darrada ah ee ay ka geystaan gobolka.











