Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo UNESCO, gaar ahaan horumarinta wadahadalka dhaqamada, horumarinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo kobcinta dalxiiska waara.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo dhaxalka taariikheed iyo dhaqameed ee Soomaaliya, si jiilasha hada jira iyo kuwa mustaqbalka ay uga faa’iideystaan.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan Mudane Cabdinuur Daahir Fiidoow iyo La-taliyaha Wasiirka Dr. Cabdicasiis Jeylaani.











