Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee Caalamiga ah ee Wadahadalka Dhaqamada oo uu maanta si rasmi ah u furay Madaxweynaha dalka Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev.

Madashan oo halku-dhiggeedu yahay โ€œWadahadal loogu talagalay Mustaqbal la wadaago, dhisidda Buundooyin isku xira aduun kala qeybsanโ€ ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta wada-hadalka dhaqamada, nabadda, isfahamka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

October 27, 2026
๐Š๐ฎ-๐’๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š

October 26, 2026

Khudbadda Wasiirka ayaa ku saabsanayd muhiimadda ilaalinta iyo horumarinta hiddaha iyo dhaqanka, xoojinta wada noolaanshaha bulshooyinka iyo doorka ay tiknoolojiyadda casriga ah iyo garaadka macmalka ah (AI) ka qaadan karaan kobcinta isfahamka dhaqamada kala duwan.

Wasiirku wuxuu sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo ilaalinta afka, suugaanta, fanka iyo taariikhda Soomaaliya, iyo adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah si loo diiwaangeliyo, loo kaydiyo loona gudbiyo dhaxalka dhaqameed ee Soomaaliyeed, si jiilasha soo socda ay uga faaโ€™iideystaan.

Mudane wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa ku baaqay iskaashi caalami ah oo lagu horumarinayo adeegsiga afafka kala duwan ee tiknoolojiyadda, kor loogu qaadayo xirfadaha dhallinyarada, laguna xaqiijinayo in horumarka dijitaalka ahi dhowro aqoonsiga, xuquuqda iyo qiyamka dhaqamada kala duwan.

Wuxuu intaas ku daray in tiknoolojiyadda loo adeegsado isku xirka dhaqamada, ballaarinta fursadaha isfahamka iyo xoojinta nabadda, si loo dhiso mustaqbal ay bulshooyinku ku kala duwanaan karaan, isla markaana ugu wada noolaan karaan is-ixtiraam iyo iskaashi.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa soo jeediyay in talooyinka iyo ballanqaadyada ka soo baxa madasha loo beddelo barnaamijyo wadajir ah oo la fulin karo, lehna natiijooyin la cabbiri karo, kuwaas oo taageeraya ilaalinta dhaxalka dhaqameed, horumarinta afafka, awoodsiinta dhallinyarada iyo xaqiijinta ka-qaybgal loo siman yahay oo ay helaan dhammaan dalalka iyo bulshooyinka.

Madasha waxaa wasiirka kala qeyb galay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan Mudane Cabdinuur Daahir Fiidoow oo ka qeyb qaadanaya dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Previous Post

๐Š๐ฎ-๐’๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. ร…sa Regnรฉr oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

๐Š๐ฎ-๐’๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š

๐Š๐ฎ-๐’๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š

October 26, 2026
0

Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In