Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Nofeembar 2026, khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31), oo ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga.
Khudbaddiisa waxuu diiradda ku saari doonaa dadaallada Soomaaliya ee dhinacyada digniinta hore, tallaabooyinka degdegga ah ee ka horreeya musiibooyinka, u diyaargarowga saameynta El Niño 2026 iyo baahida loo qabo maalgelinta lagu xoojinayo u adkeysiga bulshada.
Sidoo kale, waxaa madasha lagu qaban doonaa dood cinwaankeedu yahay “U Diyaargarowga Musiibooyinka, Ilaalinta Bulshada iyo Tallaabooyinka Hore ee Soomaaliya ee El Niño 2026 iyo Maalgelinta Adkeysiga Bulshada”, taas oo ay ka qaybgalayaan khubaro iyo masuuliyiin ka kala socda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, oo ay ka mid yihiin UNOPS iyo IGAD-ICPAC.










