Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku sameeyay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, oo dhawaan lagu sameeyay dib-u-dhis iyo casriyeyn, laguna soo kordhiyay qaybo cusub oo loogu talagalay horumarinta adeegyada Isgaarsiinta iyo Boostada.
Raโiisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Wasaaraddu, iyada oo halkaas lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda, siyaasadaha lagu hagayo iyo dadaallada ay ugu jirto hirgelinta nidaam casri ah oo dijitaal ah, kaas oo kor u qaadaya adeegyada isgaarsiinta dalka.
Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal iyo mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ururka Boostada Adduunka (UPU), iyo mashruuca isku-xirka dijitaalka ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo ujeeddadiisu tahay horumarinta is-dhexgalka suuqa dijitaalka ee gobolka iyo kordhinta helitaanka adeegyada isku-xirka ballaaran ee internet-ka (Broadband).
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in u-guuridda nidaamka dijitaalka ah ay tahay isbeddel muhiim ah oo dalka ka socda, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in Wasaaraddu ay yeelato awood farsamo iyo shaqaale ii u diyaarsan ka jawaabidda baahiyaha iyo caqabadaha ka dhasha horumarka teknoolojiyadda.
Mudane Xamsa, waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo nidaamka isgaarsiinta dalka, lana helo hannaan isku xiran oo lagu maareeyo adeegyada internet-ka iyo isgaarsiinta, si loo yareeyo khataraha dhanka amniga dijitaalka ah, loona xaqiijiyo adeegyo ammaan ah oo la isku halleyn karo.
Sidoo kale, waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam internet oo dowladdu maamusho ama bixintiisa ay ku jirto hannaan mideysan oo dowladdu hagto, si loo xoojiyo amniga, loona ilaaliyo xogta iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay habsami-u-socodka shaqada iyo bilicda xarunta Wasaaradda, isaga oo tilmaamay in goob shaqo oo hagaagsan ay dhiirrigeliso shaqaalaha, korna u qaaddo hufnaanta iyo wax-soo-saarka shaqada.











