Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan kula yeeshay Marwo Gemma Tanner, Ku-xigeenka Madaxa arrimaha cimilada iyo aafooyinka u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Dowladda Ingiriiska (FCDO). xarunta Dowladda Ingiriiska ee shirka COP31, magaalada Antalya ee dalka Türkiye.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Dowladda Ingiriiska ee dhinacyada u diyaar-garowga musiibooyinka, horumarinta nidaamyada digniinta hore iyo hirgelinta tallaabooyinka hore ee lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan la-qabsiga cimilada iyo wax ka qabashada khasaaraha iyo waxyeellada ka dhasha.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in saadaasha iyo digniinaha hore loo beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo waqtigooda ku habboon, si loo badbaadiyo nolosha dadka loona ilaaliyo hab-nololeedkooda. Waxa uu sidoo kale Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyey iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan tahay.











