Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaanduulaha Ciidanka XDS oo faah faahiyay deegaanno hor leh oo Al-shabaab laga saaray”DHAGEYSI”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Abaanduulaha Ciidanka XDS oo faah faahiyay deegaanno hor leh oo Al-shabaab laga saaray”DHAGEYSI”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreye Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji oo horkacaya howlgal ciidamada ay ka wadaan deegaanada fara kutirsaka ah ee Al-shabaab ay kaga harsanyihiin gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanno iyo tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee Gobalka Sh/dhexe.

Abaanduulaha ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ku sheegay in Howlgalka hadda Socda ay qaadeen Ciidanka Xoogga dalka isla markaana aysan qeyb ka aheyn Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM marka laga reebo talooyinka iyo farsamada uu ku duulayo ciidanka Xoogga.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Ciidanka Diyaargaroow ayuu waday maalmihii lasoo dhaafay, waxa ay dib ugu laabteen deegaanada Ruun-nirgood,Masaajid Caligaduud, majirin wax iska caabin ah aan kala kulnay, howlgalkuna wuu sii soconayaa inta laga saarayo maleeshiyaadka 9-kii sano ee la soo dhaafay boobka iyo go’doonka galiyay dadka ku nool gobalka horay ayaana u socon doona illaa aan isku furno gobalada dalka”.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in aysan Gacmaha ka laaban doonin boobka,dhaca iyo hagar-daamada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in cabsida ay ka saarayaan dadka maatida ah ee dhibka ku reebeen kooxaha nafla-caariga ah ee Al-shabaab.

Dhageyso Wareysi Ammaanduulaha Xoogga Dalka

 

Previous Post

Wasiirka Diinta Soomaaliya oo Masar kula kulmay Sheekh Al-Azhar “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In