Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka muuqda wuxuu waayay xoogii iyo itaalkii uu ku istaagi lahaa, halka kuwa kalena ay u dhinteen xaaladda abaareed ee dalkeena.
Tani waxa ay muujinaysa nafaqo-xumada baahsan iyo daaq la’aanta ka jirta deegaanka.
βMarkii uu nabaad guuray dhulkii daaqsinta ahaa, xooluhuna ay gaareen heer ay u dhimanayaan gaajo iyo haraad, ogow waxaa khatar galaysaa nolosha xoolaha iyo xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed intuba.
In ku dhaw labo Milyan oo xoolo ah ayaa ku dhintay abaarta Dalka ka jirta kaddib markii ay waayeen biyo iyo daaqsin.











