Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abuukar Qaad-diid oo ka hadlay in uu xoojinayo la dagaallanka joojinta qaadka “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 10, 2015
in Wararka
0
Abuukar Qaad-diid oo ka hadlay in uu xoojinayo la dagaallanka joojinta qaadka “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abuukar Cawaale Qaadiid oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan dalka Britain ayaa sheegay in joojinta qaadka ee dalka Britain ay keentay isbadal balaaran, oo dhallinyaradu ay bilaabeen inay wax qabsadaan oo ay ka qeyb qaataan horumarinta noloshooda.

Abuukar ayaa xusay in dhalinyarada markii hore lagu eedeyn jiray inay daroogada isticmaali jireen, isagoo bulshada uga mahadceliyay sida ay u qaateen dadaalladii uu ku bixiyay la dagallanka qaadka, taasi oo keentay in Ingiriiska laga joojiyo.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

“Maanta carruurta yar yar ee soo koraya, lagama yaabo inay arkaan qaadka oo hareeraha waddooyinka yaalla, waana tallaabo aad u muhiimsan in bulshada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska, kuwooda isticmaali jiray qaadka ay maanta bilaabeen inay shaqeystaan, oo ay wax qabsadaan, ayna iska dhaafeen dhibaatooyinka qaadka laga dhexlo” ayuu yiri Abuukar Qaad-diid.

Abuukar ayaa xusay in uu jiro siyaabo dhuumaaleysi ah oo markii hore qaadka lagu soo gelin jiray, balse ciidamada amniga ee dowladda Britain ay ka hortageen sidii qaadka loo geyn lahaa dalka Ingiriiska, waxaana uu intaa ku daray in uu dib ugu soo laabanao caasimadda oo halkaasi ka sii wadi doono dadaalkiisa ku aadan joojinta qaadka.

081117_002

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Daawo Sawirada: Madaxweynaha oo gaaray Sacuudiga

Next Post
Daawo Sawirada: Madaxweynaha oo gaaray Sacuudiga

Daawo Sawirada: Madaxweynaha oo gaaray Sacuudiga

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In