Doorashada kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta lagu qabtay Dugsiga tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Gen. Kaahiye.
kursiga tirsigiisu yahay HOP#269 ayaa waxaa ku tartamay
Cabdiraxmaan Maxamed Cumar iyo Buuxo Maxamed Cismaan.
Buuxo Maxamed Cismaan ayaa ka tanaasushay tartanka, kadib ayaa
Cabdiraxmaan Maxamed Cumar loo qaaday codka kalsoonida Ergada oo ay soo xaadireen 98 Ergay, waxa uuna helay 98 ,ma jirin Cod halaabay iyo cid ka aamustay.
Sidokale, Cadnaan Cismaan Cilmi ( Boqore) iyo Farxaan Cabdilaahi Cali, ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay HOP#236
Musharax Xildhibaan Farxaan Cabdilaahi Cali ayaa ka tanaasulay tartanka Doorashada, Waxaana codka gacan tag ah lagu doortay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo helay 99 Cod.
Guddiga maamulka Doorashada kuraasta ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#267, kaasi oo ay ku tartameen Saynab Maxamed Caamir iyo Sucaado Muumin Maygaag.
Musharax xildhibaan Sucaado Muumin Maygaag ayaa ka tanaasushay tartanka, waxaana codka Ergada loo qaaday Saynab Maxamed Caamir, waxayna heshay 97 oo codka, laba ayaa ka aamusay.
Ugu danbeeyntii Maxamed Cali Xagaa iyo Axmed Muumin Waaliye, oo ku tartamayay kursiga tirsigiisu yahay HOP#268 ayaa saakay lagu qabtay magaalada Muqdisho.
musharixiinta ku tartamay waxay kala ahaayeen
Musharax xildhibaan Axmed Muumin Waaliye ayaa ka tanaasulay tartanka.
Waxaana Codka kalsoonida Ergada loo qaaday Maxamed Cali Xagaa, oo helay 98.