Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afar qof oo ku dhimatay gaari ku qarxay wadada Afisyooni iyo faah-faahinno ka soo baxay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Afar qof oo ku dhimatay gaari ku qarxay wadada Afisyooni iyo faah-faahinno ka soo baxay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gaariga ay maanta oo idil ku  raad-joogeen hey’adaha ammaanka dowladda oo la sheegay in uu geysan doono weerar argagixiso, ayaa qarxay kaddib markii ay ogaadeen ciidammadu gaarigaasi nooca uu yahay, iyadoo uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh xili uu ka cararayey ciidammada ammaanka oo ceyrsanayey.

Gaariga oo noociisu ahaa Noha, ayeey hey’adaha ammaanka dowladda feejignaan dheeri ah ka muujinayeen maanta oo idil, ayaa isku dayey markii la oggaadey in uu baxsado isagoo doonayey in uu ku baxsado dhanka wadada Afisyooni ee degmada Waaberi, waxa uuna si qaldan ugu dhacay isaga oo cararraya gaari ay saarnaayeen dad rayid, halkaasoo  uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusus Cismaan ayaa Warbaahinta u sheegay oo yiri “Ciidammada waa ay qaban lahaayeen gaariga hasa yeeshee markii maray waddo qaldan ayuu ku dhacay gaari rakaab ah oo ay dad shacab ah saarnaayeen, arrintaas ayaa dhallisay dhimashada Afar qof iyo dhaawaca dadka kale oo Isbitaallada loo qaaday, waxaan aad uga xunnahay dhibaatadaasi dhacdey oo ay ciidamada ammaanka suuragaliyeen in ay joojiyaan khasaaraha oo haddii uu gaariga meesha uu doono tagi lahaa uu geysan lahaa”.

Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in hey’adaha Sirdoonka ay macluumaadka la xiriira gaarigaasi argagixisadu doonayeen in ay weerarka ku geystaan ay ogaayeen hasa yeeshee ciidammadu dadaal badan kaddib ay ogaadeen nooca gaariga iyo meelaha uu ku soo wajahan yahay, hey’adaha ammaanka dadaalkooda ku aaddan in laga hortago dhagar-qabayaasha waa ay sii wadi doonaan oo waxaan codsaneynaa in shacbiga ay gacan naga siiyaan arrintaasi, ayuu yiri Afhayeenka.

 

Previous Post

Degmada Kuntuwaarey oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In