Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afhayeenka AMISOM oo sheegay in xaalad beni’aadanimo ay ka jirto magaalada Ceel Baraf

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kenya oo sheegtay in howlgal ka dhacay J/Hoose ay ku dishay maleeshiyaad katirsan Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa howlo kormeer ah u tegay deegaanka Ceel Baraf, kuwaasi oo ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda magaalada, maadaama dadka intooda badan ay magaaladaasi ka barakaceen.

saraakiisha AMISOM ayaa ka warbixiyay biyo la’aanta ka jirta magaalada iyo guud ahaan xaaladda amniga, iyagoo xusay in dadka deegaanka ay u baahanyihiin inay helaan adeegyada guud ee bulshada, maadaama aysan halkaasi ka jirin adeegyadii caafimaadka, waxbarashada iyo kuwa kale ee aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka.

Related posts

Agaasimaha Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka 7aad ee Madaxda Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Carabta

Agaasimaha Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka 7aad ee Madaxda Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Carabta

February 8, 2026
Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar

February 8, 2026

Nabadoon Muuse Sharaawe iyo Maxamuud Cali Garabeey oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka, kuwaasi oo inta badan Shabaabka kala kulma caga jugleen iyo dhibaatooyin kale oo loo geysto, waxaana ay codsadeen in laga dulqaado dhibaatada ay argagixisada Al-Shabaab ku hayaan shacabka magaalada Ceel Baraf ee ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Joe kibet oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in socdaalka ay ku tegeen magaalada ay qeyb ka ahayd sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada magaalada, isagoo xusay in koox wariyeyaal ah oo ay ka wadeen caasimadda ay ujeedku ahayd sidii loo tebin lahaa xaqiiqda ka jirta magaalada Ceel Baraf.

“Arrinta murada leh ee halkan ka jirta waxa ay tahay, in badanaa dadkii magaaladan ku noolaa ay isaga baracaceen sababo la xiriira biyo la’aanta ka jirta magaalada, waxayna dadka nagu soo wargelyeen in saddex todobaad ka hor maleeshiyada Al-Shabaab ay bur buriyeen ceelkii ay dadka biyaha ka cabi jireen, taas ayaana keentay in dadku ay magaalada ka baracaan oo ay raadsadaan meelo kale oo ay biyaha ka heli karaan, dadka waxay kaloo u baahanyihiin inay helaan adeegyada guud ee bulshada sida caafimaad, waxbarasho iyo wixi kale ee la hal maala”.

 

 

Previous Post

Taliyaha ciidanka booliska oo darajooyin u xiray saraakiil la dalacsiiyay oo dumar ah “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday

Next Post
Yuusuf Daba-geed: waxaan ku balanay Odayaasha labada dhinac in la kala qaado Maleeshiyaadkii Dagaalamay”Dhagayso”

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday

Agaasimaha Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka 7aad ee Madaxda Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Carabta

Agaasimaha Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka 7aad ee Madaxda Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Carabta

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(CIRAAQ):-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda...

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(MASAR):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa booqasho rasmi ah ugu bilaabatay magaalada Qaahira ee Caasimadda...

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In