Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska oo darajooyin u xiray saraakiil la dalacsiiyay oo dumar ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 27, 2016
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliska oo darajooyin u xiray saraakiil la dalacsiiyay oo dumar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa u xiray maanta dallacaada haweeney kamid ah saraakiisha booliska Soomaaliyeed  oo noqotay haweeneydii ugu horeysay marka loo eego ciidanka booliska haweenka kujira ee abid gaarta darajada Gaashanle sarre.

Faadumo Xasan Maxamed ( Neero )  oo ah madaxa hogaanka is dhaxgalka bulshada iyo booliska ayuu taliyaha u xiray darajada lagu dalacsiiyay , waxaana Faadumo ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kusoo biirtay 1971 , intaasina waxay ku dhaxjirtay howlaheeda, iyadoo meelo kala duwan kasoo shaqeysay oo booliska ah .

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

”Taliyaha  ciidanka booliska   ayay ugu horreynta u mahadcelisay, iyada oo sheegtay in taliyuhu uu mudnaanta siiyay gabdhaha , aniga 1971-dii ayaan soo qortay ciidanka booliska ,  taliyaha booliska waa shaqsi  xaqa yaqaano , gabdhaha tiro yar ayaan eheyn dhanka  gabdhaha booliska ku jiray, haatan wey saa’ideen  ku dhawaad waxaan iminka nahay kun ”  ayay tiri gaashanle sarre Faadumo Xasan Maxamed.

Taliyaha waxa uu sidoo kale u xiray darajada madaxa waaxda ka hortagga tacadiyadda haweenka iyo carruurta Dhamme  Idil Cabdullaahi Xasan iyo kuxigeenkeeda  Dhamme Raxma Salaad Maxamed ayaa dhankooda u mahadceliye Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud kuna amaanay dalaalka dheeriga ah uu galiyo ciidanka booliska gaar ahaan haweenka .

”Waxaanu eheyn markii loo eego booliska in gabdhaha la arki jiray kaliya xiliyada 20 Desembar oo ah aas aaska ciidanka booliska, mana jirin in goobo kale nagula arko, hase yeshee maanta waxaanu nahay kuwo la qeyb sanayo ragga howlaha ay hayaan hayaan, taasina waxaa mahadeeda leh taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ” ayay tiri Dhamme Raxma Salaad Maxamed .

Taliyaha ciidanka booliska  S/G Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  oo ugu dambeyn ka hadlay goobtii dalacsiinta loogu xerayey saraakiishaan gabdhaha ah ayaa sheegay inay ku dadaalan in la xoojiyo booliska, taasina ay keentay in la dhiso waaxda isdhaxgalka bulshada iyo booliska Soomaliyeed, Faadumana tahay gabadhii ugu horeysay ee booliska Soomaaliyeed taariikhdiisa gashanle sare ka noqota .

A1 A1 A5 A7 A10 A11 A13

 

Previous Post

Madaxda Qaranka oo sagootin u sameysay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Afhayeenka AMISOM oo sheegay in xaalad beni’aadanimo ay ka jirto magaalada Ceel Baraf

Next Post
Kenya oo sheegtay in howlgal ka dhacay J/Hoose ay ku dishay maleeshiyaad katirsan Al-shabaab

Afhayeenka AMISOM oo sheegay in xaalad beni'aadanimo ay ka jirto magaalada Ceel Baraf

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In