Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
8 months ago
in Wararka
0
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Macalin ayaa ka warbixinyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Xaq u dirirka deegaanka ay ka sameeyeen Gobollada Galgaduud,iyo Jubbadda Hoose, kuwaas oo lagu khaarajiyay horjoogayaal in muddo ah lagu dabajiray iyo maleeshiyaadkii la socday.

Deegaanka u dhexeeya Qod-Qod iyo Camaara, oo lagu magacaabo Xiinguduud,ayaa waxaa uu sheegay afhayeenku in lagu dilay 11 maleeshiyaadka Khawaarijta ka tirsanaa,  intii uu socday hawlgalkan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale waxa ay hawlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaannada Miindo iyo Harbolle ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay halkaas ku dileen dhagar-qabeyaal uu kamid ahaa horjooge lagu magacaabo Ibraahim Takeey,kaas oo khawaarijta u qaabilsanaa afduubka iyo sidii loo dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Gobolkada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, ayaa si la mid ah waxaa ka dhacay hawlgallo kala duwan, kuwaas oo iyaguna lagu khaarajiyay tiro maleeshiyaadka Khawaarijta ka tirsanaa, sidoo kalena looga furtay hub iyo saanad.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Macalin, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay guulaha ay gaadheen, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyay, xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, si guud ahaan dalkeenna looga nadiifiyo hadhaadiga Khawaarijta.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo goobo waxbarasho ka dhagax-dhigtay gobolka Gedo

Next Post

Wasiirka Beeraha XFS oo daah furay tababar dhalinyaro Soomaaliyeed lagu barayo adeegsiga gaadiidka Cagafta

Next Post
Wasiirka Beeraha XFS oo daah furay tababar dhalinyaro Soomaaliyeed lagu barayo adeegsiga gaadiidka Cagafta

Wasiirka Beeraha XFS oo daah furay tababar dhalinyaro Soomaaliyeed lagu barayo adeegsiga gaadiidka Cagafta

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In