Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Macalin ayaa ka warbixinyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Xaq u dirirka deegaanka ay ka sameeyeen Gobollada Galgaduud,iyo Jubbadda Hoose, kuwaas oo lagu khaarajiyay horjoogayaal in muddo ah lagu dabajiray iyo maleeshiyaadkii la socday.

Deegaanka u dhexeeya Qod-Qod iyo Camaara, oo lagu magacaabo Xiinguduud,ayaa waxaa uu sheegay afhayeenku in lagu dilay 11 maleeshiyaadka Khawaarijta ka tirsanaa,  intii uu socday hawlgalkan.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale waxa ay hawlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaannada Miindo iyo Harbolle ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay halkaas ku dileen dhagar-qabeyaal uu kamid ahaa horjooge lagu magacaabo Ibraahim Takeey,kaas oo khawaarijta u qaabilsanaa afduubka iyo sidii loo dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Gobolkada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, ayaa si la mid ah waxaa ka dhacay hawlgallo kala duwan, kuwaas oo iyaguna lagu khaarajiyay tiro maleeshiyaadka Khawaarijta ka tirsanaa, sidoo kalena looga furtay hub iyo saanad.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Macalin, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay guulaha ay gaadheen, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyay, xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, si guud ahaan dalkeenna looga nadiifiyo hadhaadiga Khawaarijta.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo goobo waxbarasho ka dhagax-dhigtay gobolka Gedo

Next Post

Wasiirka Beeraha XFS oo daah furay tababar dhalinyaro Soomaaliyeed lagu barayo adeegsiga gaadiidka Cagafta

Next Post
Wasiirka Beeraha XFS oo daah furay tababar dhalinyaro Soomaaliyeed lagu barayo adeegsiga gaadiidka Cagafta

Wasiirka Beeraha XFS oo daah furay tababar dhalinyaro Soomaaliyeed lagu barayo adeegsiga gaadiidka Cagafta

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In