Duqeymo iyo dagaal toos ah oo ka dhacay deegaanka al-Bab ee gobolka Xaleb oo ka tirsan Siiriya ayaa lagu dilay afhayeenka kooxda Daacish.
Dilka Abu Maxamed al-Cadnani, ayaa waxaa xaqiijiy mas’uul sare oo ka tirsan ururka daacish sida lagu soo daabacay bogga Amaq ee taageera kooxdaasi.
Mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka, ayaa BBC u sheegay in ay qiimeynayaan duqeyn cirka ah oo Talaadadii lala beegsaday deegaanka al-Bab ee waqooyi bari Xaleb.
Waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa al-Cadnani ku tilmaamtay in uu yahay argagixiso caalami ah, waxaana madaxiisa dul yaalay 5 milyan oo dollar.