Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afrika iyo Japan oo iska kaashanaya la dagaalanka argagaxisada

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hogaamiyeyaasha qaaradda Africa iyo Japan ayaa waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah loola dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo burcad badeeda si loo helo bayโ€™a nabdoon oo ganacisga lagu horumarin karo.

Shirkii dowlada Japan iyo Afrika oo gundhigiisu ahaa iskaashiga dhaqaalaha oo Sabtidii Nairobi ka furmey oo ay ka qeybgaleen madaxweyniyaal iyo mataliyaal ka kala socday 54 wadan ee qaaradda ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah kaas oo waxyaabaha ugu humiisan ah aheyd fursadsiinta dhalinyarada iyo haweenka qaaradda si kor loogu qaado doorka ay ka ciyaari karaan kobcinta dhaqaalaha gaar ahaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

โ€œWaxaan xalineynaa isla markaana horumarinaynaa xasiloonida iyadoo laga jawaabayo walaaca amniga ee jira. Waxaa sidoo kale xoojinaynaa awoodsiinta shakhsiyaadkaย  gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka anagoo fursad u siinayna waxbarasho, tababaro xirfadeed, fursado shaqo,โ€ ayaa lagu yiri baaqii Nairobi oo shirka laga soo saaray.

Waa kii ugu horeeyay oo qaaradda Afrika lagu qabtay shirka (Tokyo International Conference on African Development) oo loo soo gaabiyo TICAD ahaana kii afaraad tan iyo markii daah laga rogay sanadkii 1993, iyadoo sanadkii 2013 lagu qabtay magaalada Yokohama ee dalka Japan.

Shirka TICAD oo ay wada yeesheen madaxda Afrika iyo Japan ayaa waxa ay isku raaceen in qorshe loogu magac daray Yakahama oo ahaa kobcinta dhaqaalaha iyadoo la sameynayo waddooyinka casri ah isla markaana maalgelin lagu sameyn doono daryeelka caafimaadka qaaradda, tignoolojiyada iyo maareynta musiibooyinka waxayna xukuumadda Tokyo ku bixin doontaa aduun gaaraya $32 billion.

Raโ€™iisul wasaaraha dalka Japan,Shinzo Abe, oo shirka ka hadlay ayaa balan qaaday inย  $10 billion oo kale lagu maalgelinta doono ganacsiga sida gaarka loo leeyahay ee qaaradda Afrika.

โ€œ Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga goโ€™an tahay in aan xidada u siibno argagaxisada rabshadaha wadata. Waxaan aduunka ugu baaqaynaa in la iska kaashado xoojinta la dagaalanka argagaxisada isla markaana kor loo qaado awooda laamaha amniga ee qaaradda,โ€ ayay balan qaadeen.

Mr Abe ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dowladiisu ay ku bixin doonto $500 million tababaro xirfadeed oo loo sameyn doono ย 50,000 oo dhalinyaro oo Afrika ku nool si loooga hor joogsado in dhalinyarada ay ku biirto kooxaha argagaxisada sida Alshabaab.

Tokyo ayaa rajaynaysa marka la gaaro sanadkan 2019 ku dhowaan 9.6 milyan oo dhalinyaro ah ay ka faaโ€™ideystaan qorshahan isla markaana la kordhin doono tirada deeqaha waxbarasho ee Japan siiso Afrika.

Previous Post

Dhageyso Howgal Xalay Laga Sameeyay Dharkeenleey

Next Post

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Yemen

Next Post
Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Yemen

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Yemen

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In