Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimihii Radio Muqdisho oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha cusub “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 20, 2016
in Wararka
0
Agaasimihii Radio Muqdisho oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa maanta xilka idaacadda ku wareejiyay agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay Mudane Axmed Faarax Gaatamow.

Munaasabad uu xilka kula wareegayay agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho oo lagu qabtay xarunta idaacadda, uuna ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,  ayaa hadal kooban uu xafladda ka jeediyay Agaasime Cabdirixin Ciise waxa uu ku sheegay in muddadii uu agaasime ka ahaa Radio Muqdisho ay wax badan u qabsoomeen, ayna jiraaan caqabado horyimid, isagoo mahadcelin u jeediyay howlawadeenadii la soo shaqeysay, isla markaana kula dar daarmay inay si hufan ula shaqeeyaan Agaasimaha cusub.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Mudane Axmed Faarax Gaatamow oo la wareegay xilka Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay xilka maanta loo dhiibay, isla markaana uu horey u sii dhaqaajin doono howlihii ay idaacada bulshada u haysay.

Dhawaan wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mid ah agasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradda, kuwaasi oo kala ah Agaasime Cabdirixiin Ciise Caddow oo loo magacaabay Agaasimaha Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Wasaaradda, Agaasime Axmed Faarax Gaatamow oo loo magacaabay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasime Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo loo magacaabay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA iyo Agaasime Cabdinaasir Xuseen oo loo magacaabay Agaasimaha Telefishinka Qaranka.

DSC00011 DSC00013 DSC00022 DSC00026  DSC00034 DSC00037 DSC00041 DSC00042

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo gaaray Buulo burde

Next Post

Hub iyo Gaadiid Dagaal oo lagu wareejiyay Galmudug “SAWIRO”

Next Post
Hub iyo Gaadiid Dagaal oo lagu wareejiyay Galmudug “SAWIRO”

Hub iyo Gaadiid Dagaal oo lagu wareejiyay Galmudug "SAWIRO"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In