Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xilalka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore ee Waaxda Qalabka iyo Daawada ee Wasaaradda Caafimaadka.
Munaasabad xilwareejin oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa maanta xilka loogu kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Waaxda Qalabka iyo Daawada Dr. Cabdiqaadir Wehliye Afrax iyo Agaasimaha cusub Maxamed Maxamuud Caddow oo hadda kadib hagaamin doona Waaxda.
Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa oo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dr Maxamed Xasan Maxamed Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Yuusuf Cabdulle.
Dhaamaan madaxdii goob jooga ahayd ayaa u mahadceliyay Agaasimahii hore sidoo kalana xusey howlihii adkaa ee uu ka soo qabtey Waaxda, waxayna sidaasi si la mid ah u hambalyeeyay Agaasimaha cusub isla markaana la dardaarmey si uu u guto waajibaadka la saarey ee ah u adeegidda Bulsho waynta Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadam ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay Agaasimihii hore sidoo kalana soo dhaweyay Agaasimaha cusub ee waaxda kuna dhiirigiyay inuu shaqada kasii wado halkii uu gaarsiyay Agaasimihii hore.