Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha guud ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo shir uga qaybgalaya Jarmalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha guud ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo shir uga qaybgalaya Jarmalka

????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi oo gaaray dalka Jarmalka magaalada Municha ayaa halkaas uga qaybgalaya shir soconaya 5 maalmood kaasoo ay soo qabanqaabisey hay’adda Isgaarsiinta Caalamka (ITU).

Shirkan oo saaka ka bilawdey xarunta weyn ee shirkadda Rohde iyo Schwartz oo ah shirkadda ugu horeysa caalamka ee sameysa qalabka lagu maamulo laguna maareeyo Isticmaalka Hirarka (Spectrum Management). Shirkan oo lagu casuumay agaasimaha kadib codsi ay wasaaraddu u dirtey hay’adda ITU baahida dawladda Soomaaliyeed u qabto inay maamusho hirarka kala duwan ee ay Isgaarsiintu ku shaqeeyaan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Shirkan oo socon doono illaa jimcaha ayaa waxaa ka qaybgalaya waddamo badan oo ka kala yimid waddamada soo koray waxaana halkaas lagu soo bandhigayaa noocyada qalabyada kala duwan iyo sharaxaaddooda.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo kulan hordhac la yeeshey masuuliyiinta ITU uga qaybqaadaneysa shirka iyo madaxda shirkadda ayaa warbixin ka siiyay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan hormarka Isgaarsiinta dalka ka jirta iyo baahida ay dawladdu u qabto iney dib u qaabeyn ku sameyso isla markaana maamusho hirarka kala duwan.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa wadda dardar culus oo kusaabsan arimaha Isgaarsiinta iyadoo sharciga Isgaarsiintuna uu horyaallo golaha baarlamaanka

Previous Post

Wasiir Diini: “Gen Dhegabadan wuxuu ahaa Muwaadin Duruuf adag ugu soo shaqeeyey dalkiisa  Hooyo”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In