Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Agaasimaha Guud ee hore ee wasaaradda, Mudane Cayduruus Macallin Xasan, iyo Agaasimaha Guud ee cusub ee dhawaan xilka loo magacaabay, Mudane Cabdulqaadir Cilmi.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ahayd mid si habsami leh u dhacday, iyadoo lagu muujiyay is-ixtiraam, wada-shaqeyn iyo mahadcelin ku wajahan Agaasimihii hore, iyo soo dhoweyn loo sameeyay Agaasimaha cusub. Wasiir ku-xigeenku wuxuu bogaadiyay doorkii uu Agaasime Cayduruus kasoo qaatay horumarinta howlaha wasaaradda, wuxuuna Agaasime Cabdulqaadir u rajeeyay guul iyo xil-gudasho hufan.
Wasaaraddu waxay caddeysay in ay sii wadi doonto dadaallada ku saleysan dowlad-dhiska, federaaleynta dalka, iyo horumarinta hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya.










