Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kormeeray xarumaha Hay’adda G/Banaadir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kormeeray xarumaha Hay’adda G/Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayay habsami u socoshada howlaha iyo adeegyada bixinta Baasaboorka ku tagay Xarumaha ay Hay’addu ku leedahay Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa dhamaan xaafiisyada uu booqday waxa uu warbixino kaga dhegeystay Agaasimayaasha Waaxyaha, kuwaas oo Warbixino ka siiyay sida ay u socdaan shaqada ay u qaabilsanyihiin Hay’adda ee ah bixinta adeegga Baasaboorka Shacabka, kaas oo laga bixiyo labada degmo ee ay ku yaalaan Xafiisyadaas. Sidoo kale muddadii uu Agaasimuhu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo waxa uu mid mid isku dul taagay shaqaalaha ka howlgala Xafiisyada uu kormeerka ku marayay, si uu waxbadan uga ogaado shaqooyinka ka socda xaafiisyadooda iyo caqabadaha shaqo ee ka jira halkaas.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Axmed Siciiid Maxamed, ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fududeeyo adeegga dadweynaha isla markaana la wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya Shacabka yimaada xarumaha adeegga Baasaboorka laga bixiyo iyo Saraakiisha ka howlgala Xafiisyada Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis.

Ugu dambeyn, kormeerka Agaasimaha Guud ee Ha’yadda ayaa waxaa ku wehlinayay, Madaxa Kaalinka Agaasinka Guud, Agaasimaha Waaxda Baarista iyo Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Jinsiyadda iyo Diiwaangelinta.







 

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda oo ka shaqeyneysa sare u qaadidda dakhliga gudaha “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xasan oo lagu dilay Muqdisho

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xasan oo lagu dilay Muqdisho

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xasan oo lagu dilay Muqdisho

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In