Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Asad Yusuf Qanyare iyo Guddoomiyaha Maalgashiga dalka Uganda, Mr. Rwakakamba Morrison, ayaa kala saxiixday heshiis Is-Afgarad (MOU) oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Uganda, si loo kobciyo iskaashiga hay’adaha ee dhinacyada dhiirigelinta maalgashiga iyo fududaynta.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Uganda, iyada oo tallaabadan door wanaagsan ka qaadanayso daddaalada loogu jiro abuurida fursado maalgalin caalami ah.