Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka haweenka Soomaaliyeed ee dowlad-dhiska, nabad-dhisidda iyo horumarinta dalka.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay danjiraha Dowladda UK ee Soomaaliya, Charles King, iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca di Mauro, iyadoo ay sidoo kale ka qayb galeen wakiillo ka socday ururrada haweenka, dowladaha hoose iyo saaxiibada kale ee dalka.
Agaasimaha Guud ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan xasilloonida, ka qaybgalka siyaasadda iyo horumarinta guud ee dalka.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud, Mudane Cabdulqaadir, ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo siyaasado loo dhan yahay oo taageera kobcinta xirfadaha haweenka Soomaaliyeed, isla markaana wax ka qabta caqabadaha dhaqan iyo dhaqaale ee hortaagan, si loo xaqiijiyo ka qaybgal buuxa iyo cadaalad bulsho.
“Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay xoojinta ka qaybgalka haweenka ee dhammaan heerarka dowladnimo, iyada oo la ballaarinayo guulaha la gaaray lana waafajinayo hortabinnada qaranka.” Agaasimaha Guud ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.











