Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Oo Ka Warbixiyay Xarumo Caafimaad Oo Ay Kormeereen “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Oo Ka Warbixiyay Xarumo Caafimaad Oo Ay Kormeereen “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Waaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay kormeerr ku tegeen xarumo caafimaad oo ah kuwa Hooyada iyo dhallaanka ee ku yaalla deegaannada Galmudug, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha ka jirta xarumaha caafimaadka.

Dr Cabdiweli Maxamed Axmed Agaasimaha Guud ee Waaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in xarumaha caafimaad ee ay kormeerka ku tegeen ee ku yaala Degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo, iyo Caabudwaaq ee Galmudug kula kulmeen dhakhaatiir iyo howlwadeenno  caafimaad, kuwaasi oo ay ka dhageysteen baahiyaha gaarka ah ee ka jirta xarumahasi.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Agaasimaha ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay si dhaw ula socon doonaan xaaladaha goobaha caafimaadka, ayna gacan ka geysanayaan wax ka qabashada baahiyaha ka jirta, isagoo bogaadin u jeediyay howlwadeennada har iyo habeen u taagan u adeegidda bulshadooda.

Dr Cabdiweli Maxamed Axmed ayaa sheegay in dhawaan ay qorsheynayaan socdaal ku tegaan degaanno kale oo ka tirsan Galmudug, si ay u soo qiimeeyaan heerka caafimaad ee xarumahaasi ka jirta.

Agaasimaha Guud ee Waaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Cabdiweli Maxamed Axmed ayaa ugu dambeyn shaaciyay inay jiraan xarumo gaar ah oo loogu tagalay dadka looga shakiyo xanuunka COVID-19, isagoo bogaadiyay howlwadeenada xarumaha caafimaadka deegaannada Galmudug ka howlgalla.

Previous Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furay Shirka Wadatashiga Siyaasadda Qaran Ee Sugnaanta Cuntada Iyo Nafaqada “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Xabsiga Dhexe Ee Xamar Oo Shaqada Si KMG Ah Looga Joojiyay

Next Post
Taliyaha Xabsiga Dhexe Ee Xamar Oo Shaqada Si KMG Ah Looga Joojiyay

Taliyaha Xabsiga Dhexe Ee Xamar Oo Shaqada Si KMG Ah Looga Joojiyay

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In