Thursday, August 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo dalka Qatar uga qeybgalay shir muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo dalka Qatar uga qeybgalay shir muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa ka qeybgaley Shir ay marti gelisay Dowladda Qatar kaas oo looga hadlayey daryeelka iyo Caafimaadka aas aasiga ah ee wadamada ku bahoobey iskaashiga Koonfureed.

Hindisaha Siyaasadda Caafimaadka Koonfurta ee Caalamiga ah ee Doxa ayaa looga hadley sidii loo horumarin lahaa madal iskaashi oo loogu talagalay waddamada Koonfurta Caalamka si ay wax uga qabtaan caqabadaha daryeelka iyo Caafimaad taasoo ka turjumeysa sida wadamada Koonfurta uga go’an tahay in bulshooyin koodu helaan xalal waara oo la taaban karo.

Related posts

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka ๐Ÿญ๐Ÿฐ๐Ÿฐ๐Ÿด๐—›/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka ๐Ÿญ๐Ÿฐ๐Ÿฐ๐Ÿด๐—›/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ

August 26, 2026

Golaha Bariga Dhexe ee Arrimaha Caalamiga ah (ME Council) iyo Bill and Melinda Gates Foundation, (BMGF) oo taageero ka helaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, ayaa daah-furtay hindisahan, iyadoo ay goob joog ka ahayd Wasiirka Caafimaadka Dowladda Qatar Dr. Hanan Mohamed Al Kuwari, Wasiiru-dowlaha Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Lolwah bint Rashid Al Khater, madaxa BMGF iyo marti sharaf kale oo dhowr ah.

Muddo labo maalmood ah, oo uu kulanka ka socdey Doxa ayaa lagu qeexay Istaraatiijiyadda guud ee hindisaha Caafimaadka aas aasiga ah iyada oo dhinaca kale laga ururiyey aaraahda dhinacyadii goobjooga ahaa sida wakiillo ka socday waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah (LMICs), khubaro Caalami ah, iyo wakiillo ka socda daneeyayaasha Qatar ee muhiimka ah oo ay ku jiraan Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Sanduuqa Qatar ee Horumarinta, Jaamacadda Qatar, iyo Jaamacadda Hamad Bin Khalifa.

Madasha waxaa lagu soo bandhigey dood-wadaag cinwaan looga dhigay ‘kor u qaadista Helitaanka Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah ee Koonfurta Adduunka, Caqabadaha iyo Xalka sidii loo wajihi lahaa ayadoo la marayo hanaanka Istiraatiijiyadda loo dhanyahay ee wadamada isbaheysiga Koonfurta aduunka si loo xaqiijiyo bedqabka iyo daryeelka bulshooyinka dalalkaas taasoo sidoo kale qeyb wayn ka ah arragtida guud ee dalalka Koonfurta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa Khudbad uu kaga hadlayey xaaladda Caafimaadka Hooyadda iyo dhallaanka ee dalkeena ka jeediyey madasha waxa uuna muujiyey sida Soomaaliya ugu go’an tahay xal u hellida yareynta iyo xakameynta dhimashada sababta daryeel la’aanta ee Hooyadda iyo dhallaanka, isagoo sidoo kale is dultaagey isbedallada horumarineed ee ay garwadeenka ka tahay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan qeybta Hooyadda iyo dhallaanka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loogaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.



 

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qeybgalayay xuska 54 Guurada ee Ciidamada Asluubta

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Hay’adaha Dowladda “SAWIRRO”

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Hay’adaha Dowladda “SAWIRRO”

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Hay'adaha Dowladda "SAWIRRO"

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Baniโ€™aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICAโ€™S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICAโ€™S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka ๐Ÿญ๐Ÿฐ๐Ÿฐ๐Ÿด๐—›/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka ๐Ÿญ๐Ÿฐ๐Ÿฐ๐Ÿด๐—›/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane ๐ƒ๐ซ. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ง๐š๐š๐Ÿ๐š๐œ ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In