Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo dalka Qatar uga qeybgalay shir muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 22, 2024
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo dalka Qatar uga qeybgalay shir muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa ka qeybgaley Shir ay marti gelisay Dowladda Qatar kaas oo looga hadlayey daryeelka iyo Caafimaadka aas aasiga ah ee wadamada ku bahoobey iskaashiga Koonfureed.

Hindisaha Siyaasadda Caafimaadka Koonfurta ee Caalamiga ah ee Doxa ayaa looga hadley sidii loo horumarin lahaa madal iskaashi oo loogu talagalay waddamada Koonfurta Caalamka si ay wax uga qabtaan caqabadaha daryeelka iyo Caafimaad taasoo ka turjumeysa sida wadamada Koonfurta uga go’an tahay in bulshooyin koodu helaan xalal waara oo la taaban karo.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Golaha Bariga Dhexe ee Arrimaha Caalamiga ah (ME Council) iyo Bill and Melinda Gates Foundation, (BMGF) oo taageero ka helaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, ayaa daah-furtay hindisahan, iyadoo ay goob joog ka ahayd Wasiirka Caafimaadka Dowladda Qatar Dr. Hanan Mohamed Al Kuwari, Wasiiru-dowlaha Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Lolwah bint Rashid Al Khater, madaxa BMGF iyo marti sharaf kale oo dhowr ah.

Muddo labo maalmood ah, oo uu kulanka ka socdey Doxa ayaa lagu qeexay Istaraatiijiyadda guud ee hindisaha Caafimaadka aas aasiga ah iyada oo dhinaca kale laga ururiyey aaraahda dhinacyadii goobjooga ahaa sida wakiillo ka socday waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah (LMICs), khubaro Caalami ah, iyo wakiillo ka socda daneeyayaasha Qatar ee muhiimka ah oo ay ku jiraan Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Sanduuqa Qatar ee Horumarinta, Jaamacadda Qatar, iyo Jaamacadda Hamad Bin Khalifa.

Madasha waxaa lagu soo bandhigey dood-wadaag cinwaan looga dhigay ‘kor u qaadista Helitaanka Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah ee Koonfurta Adduunka, Caqabadaha iyo Xalka sidii loo wajihi lahaa ayadoo la marayo hanaanka Istiraatiijiyadda loo dhanyahay ee wadamada isbaheysiga Koonfurta aduunka si loo xaqiijiyo bedqabka iyo daryeelka bulshooyinka dalalkaas taasoo sidoo kale qeyb wayn ka ah arragtida guud ee dalalka Koonfurta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa Khudbad uu kaga hadlayey xaaladda Caafimaadka Hooyadda iyo dhallaanka ee dalkeena ka jeediyey madasha waxa uuna muujiyey sida Soomaaliya ugu go’an tahay xal u hellida yareynta iyo xakameynta dhimashada sababta daryeel la’aanta ee Hooyadda iyo dhallaanka, isagoo sidoo kale is dultaagey isbedallada horumarineed ee ay garwadeenka ka tahay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan qeybta Hooyadda iyo dhallaanka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loogaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.



 

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qeybgalayay xuska 54 Guurada ee Ciidamada Asluubta

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Hay’adaha Dowladda “SAWIRRO”

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Hay’adaha Dowladda “SAWIRRO”

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Hay'adaha Dowladda "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In