Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay nuxurka shirka ka furmay Garoowe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay nuxurka shirka ka furmay Garoowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaraadda Cafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdinaasir Sheekh Muqtaar Ibraahim ayaa faah faahin ka bixiyay shirka Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal, kaasi oo diiradda lagu saaray arrimo badan.

Agaasimaha oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka maanta uu daba socday shir bishii December ee sanadkii 2020 uga furmay Muqdisho, kasasi oo looga hadlay waxyaabihii u qabsoomay, caqabadaha hortaagan iyo howlaha horyaala Wasaaradaha Caafimaadka, si loo xoojiyo iskaaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeyso.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

“Shirka waxaa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah, waxaana nagala soo qeyb geli doona Wakiilada hay’adaha caafimaadka naga caawiya, si loo dar dargeliyo qorshe howleedka Wasaaradaha caafimaadka”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Mudane Cabdinaasir Sheekh Muqtaar Ibraahim ayaa xusay in shirka diiradda lagu saari doono dajinta istaraatiijiyadda caafimaadka guud ee dalka, isla markaana ay ahayd qorshe howleed horey u soo socday, haatanna laga sii doodi doono qodobada u baahan in wax laga badalo.

Agaasimaha Guud ee Wasaraadda Cafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in waxyaabaha shirka la iskula soo qaadi doono ay ku jiraan mashruuc cusub oo loogu magac daray Damal Caafimaad, kaasi oo bilaha soo socda la qorsheynayo in dalka laga hirgeliyo, haatanna laga sii doono habka loo dhaqan gelin lahaa.

“Sida aan ogsoonahay dalka waxaa soo maray cudurka COVID-19 oo dalka saameyn badan ku yeeshay, runtii waxaan bilownay talaalka cudurka oo wajigiisa koowaad si hagaagsan u socday, balse waxaa jirta in wajiga labaad aan bilownay oo aan shacabka ka codsaneyno inay qaataan talaalka, maadaama cilmi baarayaasha caafimaadka ay xuseen in cudurka uu yahay mid Feeyrus ah, loona baahanyahay in laga hortago” ayuu yiri Cabdinaasir.

Previous Post

Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo kulan la qaatay saraakiisha amniga Gobolka Hiiraan “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa tartanka Koobka Carabta ee da’doodu ka yartahay 17 sano jirada

Next Post
Soomaaliya oo ka qeyb galaysa tartanka Koobka Carabta ee da’doodu ka yartahay 17 sano jirada

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa tartanka Koobka Carabta ee da’doodu ka yartahay 17 sano jirada

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In