Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Bashiir Macallin Cali Xasan ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Pier Mario Dacco’ Coppi.
Agaasimaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca duulista rayidka ee labada dal, iskaashiga iyo horumarinta arrimaha Agaroonada diyaaradaha, gaadiidka dhulka, bad-qabka waddooyinka iyo duulista rayidka.
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawadaa dowladda FS ayaa wadda dib u habeyn ballaaran iyo casriyeeyn ay ku sameynayso nidaamka gadiidka dalka, iyadoo wasaaradu ay horumarineysa adeegyada ay u hayso shacabka