Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Oo Sheegay In Wasaaraddu Ay Waddo Diiwaangelinta Gaadiidka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Oo Sheegay In Wasaaraddu Ay Waddo Diiwaangelinta Gaadiidka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waddo qorshe lagu diiwaan gelinayo gaadiidka, leysamada iyo diyaarinta mashruuc ku saabsan badqabka Nabad gelyada gaadiidka oo lagu hubinayo gawaarida jajabka ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Gacal Gaabow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in qeybta gaadiidka dhulka ee Wasaaradda ay haatan meel gabo gabo ah u marayo diyaarinta qorsheyaal dhowr ah oo lagu hubinayo gaadiidka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

“Qorshaha ugu weyn hadda aan wadno waxa ay tahay inaan sameyno xarun lagu mideynayo, diiwaan gelinta iyo taargooyinka gaadiidka iyo helidda xogta gaadiidka, kaasi oo laga hirgelin doono dhamaan xarumaha dowlad goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya”. Ayuu yiri Agaasime Gacal.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa tilmaamay in bulshada inteeda badan marka ay raadinayaan warqadda ogolaanshiyaha wadista gaadiidka aysan ogoleen inay sharuucda si sax ah u maraan, isagoo intaa ku daray in Wasaaradda ay markasta adkeyneyso ku dhaqanka sharciga.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed ka codsaneynaa in qofkasta uu dhowro nidaamka iyo habraaca shaqo ee hay’adaha dowladda, wey jirta culeysyo badan oo iska jira, balse anaga waxaa naga go’an inaan si hufnaan ah ugu adeegno bulshada howlaha aan u hayno”. Ayuu yiri Mudane Cali Gacal Gaabow.

Mudane Cali Gacal Gaabow ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay ku howlantahay horumarinta garoomada diyaaradaha dalka, tababarsiinta shaqaalaha ka shaqeynaya dhanka Amniga iyo helidda adeegyada looga baahanyahay garoomada diyaaradaha.

“Wasaaradda waxa ay qeyb ka tahay qorshaha Qaranka ee sagaalaad oo ah qorshe balaaran soconaya shan sano, sanadkiisa koowaad ayaan ku guda jirnaa, halkaasina waxaa noogu diyaarsan hal beegyo ay Wasaaradda ka duuleyso oo ku saleysan howlaha horyaalla”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Gacal Gaabow.

Previous Post

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Diiwaan Gelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Oo Shacabka Iyo Ganacstada Soomaaliyeed Ugu Baaqday In Loo Gurmado Shacabka Iyo Dowladda Suudaan

Next Post
Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Diiwaan Gelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha “SAWIRRO”

Dowladda Oo Shacabka Iyo Ganacstada Soomaaliyeed Ugu Baaqday In Loo Gurmado Shacabka Iyo Dowladda Suudaan

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In