Xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta dhaqaalaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa waxa ka qabsoomay munaasabad lagu soo bandhigayey 9 goobood ee jiinka wabiga Shabeelle oo dhawaan dayactir lagu sameeyey mashruuca dib u kabashada xasaradaha Soomaaliya “ SCRP”.
Madasha oo shir gudoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Yacquub Isaaq Xuseen ayaa waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha.Degmada Afgooye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo madaxda heer dowlad goboleed ee mashruuca SCRP.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in munaasabada lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan goobihii la dayactiray marxalidihii ay so mareen iyo waxtarka bulshada u leedahay goobahaas la dhamaystiray dayactirkooda.
Mudane Yacquub Isaaq Xuseen ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay inay ka qeybqaataan horumarinta mashaariicda laga hirgelinayo deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.