Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Garowe kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Puntland

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Garowe kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ahaa wadatashi laxiriira udiyaar-garoowga Shir-waynaha Warfaafinta Soomaaliya oo dhawaan Ka dhacaya magaalada Garoowe ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska uu maanta la yeeshay Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Puntland, Mudane Cabdi Xirsi Cali Qajab, Wasiir Ku xigeenka Cabdirisaaq Shiikh-aduun, Agaasimayaasha Wasaraadda, Madaxda Ururka MAP iyo Guddiga Sare ee Saxaafadda Puntland.

Ugu horayn Mudane C/rixmaan Yuusuf Sheekh Cadaala Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta ayaa ugu mahadceliyay madaxda Wasaaradda warfaafinta Puntland iyo Map sida wanaagsan oo ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Garowe iyo dadaalada ay ugu jiraan horumarinta Warbaahinta.

Related posts

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026

Mar uu ka hadlay Agaasimaha Guud ahmiyadda shirka ka furmaya Garowe ayaa wuxuu yiri “Shirka Warfaafinta ee dhawaan inoo qabsoomidoona wuxuu marxalad cusub iyo nuuc cusub oo wadashaqayneed u abuuridoonaa dhamaan qaybaha ka shaqeeya arrimaha Warfaafinta, sida Wasaaradaha heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleed, Warbaahinta Dawliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay intaba”.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dadaal badan ugu jirta sidii warbaahinta dowliga ah iyo mida gaarka loo leeyahay ay bulshada Soomaaliyeed u gaarsiin lahaayeen fariin wanaagsan, iyadoo arintaasina ay soo dhoweeyeen masuuliyiinta warfaafinta ee Puntland

Ugu danbayntii kulankaan waxaa sidoo kale ka qayb galay Lataliyayaasha Wasaaradda, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Koronto iyo Mubaarak Cabdiraxmaan Maal.

Previous Post

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In