Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Guddiga Arimaha Dibedda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Waxaana kulankaasi wasiirka uu warbixin guud ka siiyey guddiga howlaha shaqo ee wasaaradda iyo arrinta Balad Xaawo oo uu ka taagnaa muran la xiriira dhinaca Xadka.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay guddiga in la hakiyey dhismaha darbiga laga dhisayey Balad Xaawo, maadaama arrintaasi uu hakiyey madaxweynaha dalka oo ay wada hadleen dhiggiisa dalka Kenya, howlaha wasaaradduna ay u socdaan si wanaagsan.

Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka sare Sanatar C/risaaq Cismaan Jurule ayaa kulanka kadib sheegay in wasiirka uu si faah faahsan ugu sharaxay guddiga howlaha socda, islamarkaana ay ku qanceen.

“Wasiirka waxa uu faah faahin naga siiyay howlaha wasaaradda, waxaan si buuxda iskula garanay wada shaqaynta Guddiga iyo Wasaaradda oo aan ku qanacnay howsha ay dalka u heyso”ayuu yiri Sanatar Jurule.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhankiisa sheegay in arrinta Balad Xaawo si gaar ah ay uga wada hadleen labada madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya, islamarkaana iminka si wanaagsan ay wax u socdaan.

“Laba guddi oo degmada Balad Xaawo iyo Mandheere ah ayaa la magacaabay, waxey sii wadayaan sidii labada shacab ay ugu wada noolaan lahaayeen si wanaagsan” ayuu yiri wasiirka.

Previous Post

Kooxda Dekadda Oo Sii Dheereysatay Hogaanka Horyaalka Soomaaliya

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Garowe kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Puntland

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Garowe kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Puntland

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Garowe kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Puntland

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In