Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Tababar La Xiriira Af-Ka Iyo Dhaqanka U Furay 76 Suxufi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Tababar La Xiriira Af-Ka Iyo Dhaqanka U Furay 76 Suxufi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta  Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax,  Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA mudane Cali Cabdiqaadir Cali iyo Agaasimaha Farsamada Eng, Cabdiqaadir Muxudiin Khaliif ayaa ka qeyb galay tababar loo furayay 70 suxufi oo isugu jira Warbaahinta Qaranka iyo kuwa Madaxa Banaan, kaasi  oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta kuna saabsan Af-ka iyo Dhaqanka oo ay bixinayaan Maxamed Xasan Cirro iyo Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ah quburo ku xeel dheer Af-ka Soomaaliga iyo Dhaqanka ayaa socon doono muddo labo cisho ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa sheegay in tababarkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dhamaan suxufiyiinta ka qeyb galaya,

“Suxufiyiinta tababarkan ka qeybgalaya waxa ay ka koobanyihiin 76, 46 ka tirsan Warbaahinta Qaranka qeybaheeda kala duwan, 20 ka socotay Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay iyo 10 suxufi oo ah ardayda kuliyadda Saxaafadda ka barato Jaamacadda Ummadda ee aqoon kororsiga u yimaada Warbaahinta Qaranka, runtii waxaan rajeynayaa inaad ka faa’iidi doontaan aqoon badan” ayuu yiri Agaasime Cabdirixiin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo furay tababarka aqoon kororsiga ah ayaa sheegay in suxufiyiinta nasiibka u yeeshay tababarka ay ka faa’iideystaan fursadda soo martay.

“Waa fursad laga yaabo in inbadan oo halkan fadhiso aysan soo marin, laga ogeyn in ay soo mari doonto, tababarkan waxa uu ku yimid dareenka Ustaad Idaajaa oo sanad ka hor balan qaaday in uu tababar qaban doono, waxaana idinku boorinayaa inaad fursadan ka faa’iideysataan”. Ayuu yiri Agaasime Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Tababarka ayaa suxufiyiintii ka qeyb galaya waxa ay mudda labada cisho ah qaadan doonaan casharo la xiriirta xogwaran ku saabsan taariikhda saxaafadda Soomaaliya iyo dhaqanka.

Previous Post

Shirka Wadatashiga Qorshaha Qaran Ee Horumarinta Biyaha Oo Lagu Soo Gabo Gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Uu Hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Uu Hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Uu Hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In