Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA oo Xilka La Wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA oo Xilka La Wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Munaasibad ballaaran oo si heersare ah loo soo qabanqaabiyay oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayuu si buuxda xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran Xuseen Cusmaan Xuseen oo 19 bishaan loo magacaabay Hay’adda NISA.

Related posts

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026

Xilwareejinta  oo ka dhacday Xarunta Hey’adda NISA waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiir ku xigeenka amniga, Xildhibaano, Saraakiil, Sareeyeyaal, iyo taliyeyaasha Qeybaha kala duwan ee Hay’adda NISA.

Cabdulqaadir Maxamed Nur Jaamac oo ahaa Kusimiha  Agaasimaha Hey’adda ahaana Taliye ku xigeenka NISA oo xilka Ku Wareejiyay Agaasimaha Cusub ee Hey’adda ayaa sheegay in Hoggaanka Hay’adda ay garab istaagayaan Agaasimaha Cusub.

“Waxaa heysataa saraakiil qubarro ah oo daacad ah, waxaan uga mahadcelinayaa sidii ay ii garab istaageen mudadii gaabneed ee aan xilkaan sii hayay, waxaana Garab kugu siineynaa shaqada Hay’adda NISA”

Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Xuseen Cismaan Xuseen ayaa ugu horreyn u Mahad celiyay Madaxda iyo Hogaanada NISA isagoo hoosta ka xarriiqay in Hay’addani ay laf-dhabar u tahay Qaranka, xoojinteeda ay ka shaqayanayaan si ku dhisan cadaalad.

“Aqoon badan ayaan u leeyahay howlaha Amniga Quseeya, NISA waxaan xasuustaa duruuftii ay ku howgaleysay xilligii dowladdii Carta lagu soo dhisay oo aan wasaaradda Amniga Wasiir ku xigeen ka ahaa, meesha maanta ay joogto waa meel wax laga sii wadi karo, waxaan idiin ballanqaadayaa in aan la diriridoono Musuqa, Cadaaladda darada iyo nin jecleysiga” ayuu yiri Ag Xuseen Cusmaan

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo hadal ka jeediyay munaasibadda ayaa ammaanay dowrka NISA ee howlaha xasilinta Amniga, isagoo tacsi u diray ehellada iyo qoysaskii ay ka bexeen Shuhadadii NISA ee naftooda u huray difaaca shacabkooda Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen.

Wasiirka Amniga wuxu hadalkiisa intaa ku daray in Soomaaliya ay Marayso Waqti Wanaagsan oo xilalka lagu kala wareegayo si dimuqraadi ah.

“Xilku waa meerto, waa qori isku dhiib, Soomaaliya waxa ay ka gudubtay in iyadoo aan is colaadin oo aan gacan kahadal dhicin xilalka lagu kala wareejinayo si dimuqraadi ah, laakiin waxaan rabaa in aan dhaho siyaasiyiinta Soomaaliyeed fadlan marka xilka lagaa qaado adigoon qarankaaga waxyeeleyn sug inta laguu magacaabayo kuris kale” ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Munaasibadda ayaa intii ay socotay waxaa Sugaan madadaallo ah ku soo bandhigay kooxda Fanaaniinta Hay’adda NISA ee HILLAAC, waxayna ugu dambeyn ku soo dhamaatay jawi aad u qurux badan.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb galay Xuska Maalinta Caalimiga ah ee Afka Hooyo.

Next Post

Guddoomiye Yarisow oo la dar-daarmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir

Next Post
Guddoomiye Yarisow oo la dar-daarmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiye Yarisow oo la dar-daarmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In