Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta xogta qofka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta xogta qofka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa maanta magaalada Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta dukumintiyada qofka oo ay ka qeyb galayaan hawlwadeennada Hay’adaha Socdaalka Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale Bareyaal ka tirsan laanta Baarista Dambiyada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID ayaa ka qeyb gelaya tababarkaan.

 

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Agaasime Axmed Siciid tababarka furay ayaa ugu horayn uga mahadceliyay dowladda Norway oo kaalinta ay ka qaadatay fududaynta iyo taabagelinta tababarkan.

 

Sidoo kale, Agaasimaha HSJ ayaa howlwadeenada ku dhiirigeliyay in ka qayb galayaasha aqoon kororsigan ay si wanagsan uga faa’iidaystaan, maadaama ay cashirada bixinayaan macalimiin ajaanib ah oo qibrad iyo aqoon badan xambaarsan.

 

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Dowladda Kenya Marwo Evelyn oo ka hadashay munaasabadda furitaanka tababarkaan ayaa xoojisay muhiimada ay leedahay horumarinta baarista dokumintiyada ee baarayaasha, taas oo suurtageli doonta in horumar laga gaaro hubinta dokumintiyada lagu safro.

 

Safiirka dowladda Norway ee Kenya Mudane Gunnar Andreas oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa xoojiyay doorkooda taageerada Soomaaliya iyo wada shaqeynta xooggan ee kala dhaxeysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Musaanasabada furitaanka waxa sidoo kale ka qaybgalay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/Dhexe Muxudiin Axmed Cusmaan oo dhankiisa ka hadlay muhiimada ay u leedahay horumarinta xirfada baarista dokumintiyada, isagoo tilmaamay in ay sifiican uga faa’iidaysan doonaan barayaasha ka socda hoggaanka CID

Previous Post

14-ka Oktoobar: Waa uur-ku-taallo ku daabacan quluubta shacabka

Next Post

Ciidanka xoogga oo saakay la wareegay degaanno dhaca Koonfurta Gobolka Mudug

Next Post
Ciidanka xoogga oo saakay la wareegay degaanno dhaca Koonfurta Gobolka Mudug

Ciidanka xoogga oo saakay la wareegay degaanno dhaca Koonfurta Gobolka Mudug

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In