Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha SONNA oo Bulgaria uga qeybgalay shirka Wakaaladaha wararka Adduunka+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha SONNA oo Bulgaria uga qeybgalay shirka Wakaaladaha wararka Adduunka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Dalka Bulgaria Rumen Radev ayaa maanta si rasmi ah u furay shir caalami oo ay isugu yimaadeen madax ka socota Wakaaladaha Wararka Adduunka oo Soomaaliya ay kujirto,kaasi oo looga hadlayo arrimo dhowr ah oo la xiriira howlaha warbaahineed ee dunida.

Maxim Minchev, agaasimaha guud ee Wakaalada Wararka Dalka Bulgaria ayaa soo dhaweeyey ka qeybgalayaasha,isagoo uga mahadceliyay sida ay waqtigooda u soo hureen in ay ka qeyb galaan shirkaasi muhiimka ah.

Waxaa iska kaashaday qaban qaabada shirkan caalamiga ah, Wakaaladda Wararaka dalka Bulgaria iyo golaha Wakaaladaha Adduunka,waana shirkii lixaad oo la qabto,kaasi oo socon doona mudo u dhexeysa June 13-15, 2019 kana socda magaalada Sofia ee Caasimadda Dalka Bulgaria.

Madaxweynaha Dalka Bulgaria Rumen Radev oo ka hadlayay furitaanka shirkan ayaa bogaadiyay in diiradda la saaro fursadaha iyo dhibaatooyinka ku hor-gudboon Wakaaladaha Wararaka Aduunka,isagoo intaasi ku daray in hab-tabineedka wareed ee warbaahinta ay tahay mid saldhig u ah mustaqbalka nolosha aadanaha.

Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) Mudane Cabdullaahi Sheekh C/raxmaan Heybe,oo siweyn loogu soo dhaweeyey caasimadda dalkaasi Bulgaria oo uu shirku ka socdo.

Inta uu socdo shirkani waxaa diiradda lagu saari doonaa caqabadaha ku hor-gudbada howlaha warbaahineed iyo hiigsigooda,arrimaha laxiriira baraha bulshada iyo dhaqanka ee qarnigan 21-aad ee ay dunidu joogto haatana,sidoo kale waxaa diiradda lagu saari doonaan wararka been abuurka ah,milkiyadda wakaaladaha cusub ee soo kordhaya,xogaha warbaahineed iyo sida loo helo,waxaana goob joog ka ah oo aragtiyadooda isweydaarsanaya ilaa 200 wafuud ah oo ka kala socota 100 Dal oo kamid ah wadamada Caalamka.

Waxaa goobta shirka ku sugan khubaro  caalami oo ku xeel dheer arrimaha warbaahinta, madaxd ka socota Wakaaladaha Wararka ee Dunida,waana fursad ay ku kala war-qaataan,iyadoo la wadaagayo aragtiyo horumarineed ee wax dhisaysa,si loo wajoho howlaha horyaala ee qarnigan iyo sidii la iskula jaanqaadi lahaa.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) Cabdullaahi Sheekh C/raxmaan Heybe ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Bulgaria waxaa uu kulamo kala duwan uu la yeelan doonaa madaxda warbaahinada kale ee dunida oo shirkaasi ka qeyb galaysa,si uu ugala hadlo arrimo la xiriira isdhaafsiga fursadaha wada shaqeeneed ee Wakaaladaha kale ee Adduunka iyo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA).

Previous Post

Kenya oo digniin kasoo saartay Cudurka Ebola

Next Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Dalka “SAWIRRO”

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Dalka "SAWIRRO"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In