Saturday, February 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha SONNA oo Bulgaria uga qeybgalay shirka Wakaaladaha wararka Adduunka+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha SONNA oo Bulgaria uga qeybgalay shirka Wakaaladaha wararka Adduunka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Dalka Bulgaria Rumen Radev ayaa maanta si rasmi ah u furay shir caalami oo ay isugu yimaadeen madax ka socota Wakaaladaha Wararka Adduunka oo Soomaaliya ay kujirto,kaasi oo looga hadlayo arrimo dhowr ah oo la xiriira howlaha warbaahineed ee dunida.

Maxim Minchev, agaasimaha guud ee Wakaalada Wararka Dalka Bulgaria ayaa soo dhaweeyey ka qeybgalayaasha,isagoo uga mahadceliyay sida ay waqtigooda u soo hureen in ay ka qeyb galaan shirkaasi muhiimka ah.

Waxaa iska kaashaday qaban qaabada shirkan caalamiga ah, Wakaaladda Wararaka dalka Bulgaria iyo golaha Wakaaladaha Adduunka,waana shirkii lixaad oo la qabto,kaasi oo socon doona mudo u dhexeysa June 13-15, 2019 kana socda magaalada Sofia ee Caasimadda Dalka Bulgaria.

Madaxweynaha Dalka Bulgaria Rumen Radev oo ka hadlayay furitaanka shirkan ayaa bogaadiyay in diiradda la saaro fursadaha iyo dhibaatooyinka ku hor-gudboon Wakaaladaha Wararaka Aduunka,isagoo intaasi ku daray in hab-tabineedka wareed ee warbaahinta ay tahay mid saldhig u ah mustaqbalka nolosha aadanaha.

Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) Mudane Cabdullaahi Sheekh C/raxmaan Heybe,oo siweyn loogu soo dhaweeyey caasimadda dalkaasi Bulgaria oo uu shirku ka socdo.

Inta uu socdo shirkani waxaa diiradda lagu saari doonaa caqabadaha ku hor-gudbada howlaha warbaahineed iyo hiigsigooda,arrimaha laxiriira baraha bulshada iyo dhaqanka ee qarnigan 21-aad ee ay dunidu joogto haatana,sidoo kale waxaa diiradda lagu saari doonaan wararka been abuurka ah,milkiyadda wakaaladaha cusub ee soo kordhaya,xogaha warbaahineed iyo sida loo helo,waxaana goob joog ka ah oo aragtiyadooda isweydaarsanaya ilaa 200 wafuud ah oo ka kala socota 100 Dal oo kamid ah wadamada Caalamka.

Waxaa goobta shirka ku sugan khubaro  caalami oo ku xeel dheer arrimaha warbaahinta, madaxd ka socota Wakaaladaha Wararka ee Dunida,waana fursad ay ku kala war-qaataan,iyadoo la wadaagayo aragtiyo horumarineed ee wax dhisaysa,si loo wajoho howlaha horyaala ee qarnigan iyo sidii la iskula jaanqaadi lahaa.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) Cabdullaahi Sheekh C/raxmaan Heybe ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Bulgaria waxaa uu kulamo kala duwan uu la yeelan doonaa madaxda warbaahinada kale ee dunida oo shirkaasi ka qeyb galaysa,si uu ugala hadlo arrimo la xiriira isdhaafsiga fursadaha wada shaqeeneed ee Wakaaladaha kale ee Adduunka iyo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA).

Previous Post

Kenya oo digniin kasoo saartay Cudurka Ebola

Next Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Dalka “SAWIRRO”

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Dalka "SAWIRRO"

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dowladda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

February 14, 2026
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In