Sunday, March 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha SONNA oo hambalyo ku aaddan sannad guuradii 57-aad u diray shaqaalaha wakaaladda iyo shacabka Soomaaliyeed

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha SONNA oo hambalyo ku aaddan sannad guuradii 57-aad u diray shaqaalaha wakaaladda iyo shacabka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) Mudane, Cali Cabdulqaadir Cali ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha wakaaladda oo maanta u dabbaal degaya munaasabadda sannad guuradii 57-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay wakaaladda,isagoo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay farriimaha hambalyada ee ay lasoo wadaageen.

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan shaqaalaha Wakaaladda Wararka ee(SONNA) oo maanta u dabbaal degaya sanad-guuradii 57-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasey Wakaaladda Wararka Qaranak 5,Januray maanta oo kale 1964tii. Bulshada kale ee farxdadda nala wadaagaysa waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin hambalyadiina iyo bogaadintiina, ayuu yiri agaasimaha wakaaladda SONNA.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

March 29, 2026

Agaasime Cali Cabdulqaadir Cali ayaa madaxdii iyo shaqaalihii hore u soo marty wakaaladda ee geeriyooday ku tilmaamay halyeeyo usoo adeegay dalkooda, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa siiyo wuxuuna kuwa nool u rajeeyay camal wanaagsan iyo Alle ka cabsi.

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa xilliyadii hore waxey warbaahinta caalamku ka xigan jireen wararka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo baxo dowladda,waxaana hadda dib u soo laabanaya maqaamkii ay ku laheyd dunida,iyadoo ay xigtaan wakaalado caalami ah.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo boggaadisay dadaallada Kuwait ee isu soo dhawaynta dowladaha Sacuudiga iyo Qatar

Next Post

Guddiga Doorashooyinka maamulka K/galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo+Sawirro

Next Post
Guddiga Doorashooyinka maamulka K/galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo+Sawirro

Guddiga Doorashooyinka maamulka K/galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo+Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Baay, kadib...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar ah oo loogu talagalay shaqaalaha...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka oo xilka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka oo xilka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha cusub

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qabgalay furitaanka Shirka Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In