Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar ah oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda si ay u helaan aqoonta, iyo shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka.

Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa diyaarinta khubarada ICT-da ee hay’adaha dowladda si ay u helaan shahaadooyin caalami ah, taasoo kor u qaadaysa awooddooda ku aaddan ilaalinta xogta qaranka iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026

Maareeyaha Guud oo ka hadlay daahfurka “Tababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda amniga xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. Sidoo kale, barnaamijku wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda shaqaalaha dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada dhijitaalka ah ee qaranka.”

Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale la dardaarmay ka-qaybgalayaasha, isagoo ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana u adeegsadaan aqoonta ay helaan ee horumarinta amniga dhijitaalka ah.

Tababarradani Amniga Saaybarka waxa ay ka kooban yihiin koorsooyin iyo shahaadooyin caalami ah, oo ay ka mid yihiin:

* CompTIA Security+
* Certified Incident Handler – EC Council
* Cloud Security Essentials – GIAC
* ISMS (ISO/IEC 27001:2022) Lead Auditor
* Certified Information Security Manager (CISM) ISACA
* Certified Information Systems Security Professional (CISSP) – ISC2

Tababarrada waxaa lagu qaban doonaa Muqdisho, qaab fogaan-arag (online), iyo Nayroobi, muddada u dhaxaysa 28 Maarso ilaa 8 May 2026.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa hore ugu wargelisay hay’adaha dowladda inay soo magacaabaan shaqaale heysta ugu yaraan shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor’s Degree) ee Culuumta Kombuyuurtarka, IT-da, iyo Engineering-ka ama wax u dhigma.

Sidoo kale Musharraxiinta ka qeybgalaya waa inay leeyihiin ugu yaraan khibrad laba (2) sano ah ama ka shaqeeyaan Maamulka Nidaamyada (System Administration), Maamulka Shabakadaha (Network Administration).

Si loo hubiyo tayada iyo horumarka barnaamijka, kaliya ka-qaybgalayaasha ku guuleysta imtixaannada koorsooyinka ayaa u gudbi doona heerarka xiga ee shahaadooyinka.

Barnaamijkan tababarka waxaa taageeraya Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo mashruuca SCALED-UP, waxaana fududeynaya Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika (AFRALTI), tababarkan ayaa xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodda amniga Saaybarka iyo shaqaalaha dowladda ee xirfad sare leh.

Previous Post

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka oo xilka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha cusub

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay  Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka...

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In