Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Abukar Sheekh Axmed Mursal ayaa daah furay tababar ku saabsan hanaanka fududeynta ganacsiga ee Furdooyinka, tababarkani oo ay ka faa’ideysan doonaan saraakiil ka kala socda Waaxda Furdooyinka Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga.
Tababarkani oo ay bixinayaan khubarro ka socda machadka Caalamiga ee ESAMI ayaa la rajeynayaa in saraakiisha tababarka ka qeyb galaysa ay ka faa’ideysandoonaan khibrad muhiim u ah waajibaadkooda shaqo iyadoo tababarkani uu socon doono muddo todobaad ah.