Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimahii hore ee Waaxda TVga Qaran oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha Cusub+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Agaasimahii hore ee Waaxda TVga Qaran oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha Cusub+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimeyaasha Waaxyaha kala ah Tv-ga Qaranka iyo Wakaaladda Sonna, ayaa xilkooda si rasmi ah ula wareegay kaddib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacay xarunta wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Munaasabadda Xil wareejinta ah waxaa ka qeyb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi), iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan.

Related posts

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026

Agaasimihii hore ee Waaxda Telefishinka Qaranka ahna agaasimaha cusub ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna, Mudane C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), ayaa xilka Waaxda tv-ga ku wareejiyey, agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka, Mudane C/naasir Xuseen oo isagana horey u ahaa agaasimihii Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Wakaaladda Sonna Al-Cadaala, ayaa faah-faahin kooban ka bixiyey waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka hayey, waxa uu sheegay in horumar weyn uu ku tallaabsaday Tv-ga Qaranka isla markaana ay hirgaleen mashaariic badan, kuwaas oo weli u baahan in la sii dardargaliyo, waxa uuna ku dardaarmay agaasimaha cusub ee Tv-ga in uu horey sii wado shaqada adag ee hor-taalla, isagoo ku sifeeyey agaasimaha cusub in uu yahay nin ka soo dhallaali kara shaqaan oo uu qeyb ahaa markii horeyba.

Sidoo kale Agaasimaha Xilka Tv-ga la wareegay Mudane C/naasir Xuseen, ayaa ugu horreyn ku ammaanay agaasime Cadaala guusha ballaaran ee uu gaarsiiyey Waaxda Telefishinka, isagoo xusay in uu yahay nin marxalad aad u adag ka gudbiyey Tv-ga taariikhduna ay xusi doonto, waxa uu intaa raaciyey in uu dhisi doono Fikir cusub oo lagu horumariyo Waaxda Tv-ga, si loo gaaro yoolka ugu dambeeya ee ah Sntv oo la tartama Telefishinnada adduunka ugu horreeya xiligaan, isagoo ugu dambeyn ka codaday agaasimihii horey in uu si hagar la’aan ah ula shaqeeyo weli.

Dhinaca kale Agaasimaha cusub ee Wakaaladda Sonna C/raxmaan Al-Cadaala, ayaa xilka Waaxda Wakaaladda Sonna kala wareegay Agaasimhii hayey xilkaasi hadana ah agaasimaha cusub ee Waaxda Radio Muqdisho.

dhammaadka munaasabadda, waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane C/risaaq Cali Yuusuf, waxa uu ku ammaanay dhamman agaasimeyaasha Waaxyaha isbaddelka lagu sameeyo, sida dowlad wanaagga leh ee ay ula jaan-qaadeen arrintan, waxa uu sheegay in wasaaradda ay muujisay sida ay uga go’antahay ku dhaqanka maamul suubban.

DSC_0123 DSC_0131 DSC_0132

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Taliyaha Ururka Midowga Yurub ee tababara Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya

Next Post

Munaasabadd lagu soo gaba gabeynayay Xuska Mowliidka oo Magaalada Cape town lagu qabtay”Sawirro”

Next Post
Munaasabadd lagu soo gaba gabeynayay Xuska Mowliidka oo Magaalada Cape town lagu qabtay”Sawirro”

Munaasabadd lagu soo gaba gabeynayay Xuska Mowliidka oo Magaalada Cape town lagu qabtay"Sawirro"

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hayโ€™adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐ƒ๐’.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: โ€” Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐ƒ๐’.

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐ƒ๐’.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: โ€” Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In