Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimahii hore ee Waaxda TVga Qaran oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha Cusub+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Agaasimahii hore ee Waaxda TVga Qaran oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha Cusub+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimeyaasha Waaxyaha kala ah Tv-ga Qaranka iyo Wakaaladda Sonna, ayaa xilkooda si rasmi ah ula wareegay kaddib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacay xarunta wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Munaasabadda Xil wareejinta ah waxaa ka qeyb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi), iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Agaasimihii hore ee Waaxda Telefishinka Qaranka ahna agaasimaha cusub ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna, Mudane C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), ayaa xilka Waaxda tv-ga ku wareejiyey, agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka, Mudane C/naasir Xuseen oo isagana horey u ahaa agaasimihii Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Wakaaladda Sonna Al-Cadaala, ayaa faah-faahin kooban ka bixiyey waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka hayey, waxa uu sheegay in horumar weyn uu ku tallaabsaday Tv-ga Qaranka isla markaana ay hirgaleen mashaariic badan, kuwaas oo weli u baahan in la sii dardargaliyo, waxa uuna ku dardaarmay agaasimaha cusub ee Tv-ga in uu horey sii wado shaqada adag ee hor-taalla, isagoo ku sifeeyey agaasimaha cusub in uu yahay nin ka soo dhallaali kara shaqaan oo uu qeyb ahaa markii horeyba.

Sidoo kale Agaasimaha Xilka Tv-ga la wareegay Mudane C/naasir Xuseen, ayaa ugu horreyn ku ammaanay agaasime Cadaala guusha ballaaran ee uu gaarsiiyey Waaxda Telefishinka, isagoo xusay in uu yahay nin marxalad aad u adag ka gudbiyey Tv-ga taariikhduna ay xusi doonto, waxa uu intaa raaciyey in uu dhisi doono Fikir cusub oo lagu horumariyo Waaxda Tv-ga, si loo gaaro yoolka ugu dambeeya ee ah Sntv oo la tartama Telefishinnada adduunka ugu horreeya xiligaan, isagoo ugu dambeyn ka codaday agaasimihii horey in uu si hagar la’aan ah ula shaqeeyo weli.

Dhinaca kale Agaasimaha cusub ee Wakaaladda Sonna C/raxmaan Al-Cadaala, ayaa xilka Waaxda Wakaaladda Sonna kala wareegay Agaasimhii hayey xilkaasi hadana ah agaasimaha cusub ee Waaxda Radio Muqdisho.

dhammaadka munaasabadda, waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane C/risaaq Cali Yuusuf, waxa uu ku ammaanay dhamman agaasimeyaasha Waaxyaha isbaddelka lagu sameeyo, sida dowlad wanaagga leh ee ay ula jaan-qaadeen arrintan, waxa uu sheegay in wasaaradda ay muujisay sida ay uga go’antahay ku dhaqanka maamul suubban.

DSC_0123 DSC_0131 DSC_0132

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Taliyaha Ururka Midowga Yurub ee tababara Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya

Next Post

Munaasabadd lagu soo gaba gabeynayay Xuska Mowliidka oo Magaalada Cape town lagu qabtay”Sawirro”

Next Post
Munaasabadd lagu soo gaba gabeynayay Xuska Mowliidka oo Magaalada Cape town lagu qabtay”Sawirro”

Munaasabadd lagu soo gaba gabeynayay Xuska Mowliidka oo Magaalada Cape town lagu qabtay"Sawirro"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In