Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimayaasha Cusub ee Radio Muqdisho iyo SNTV oo xilalka la wareegay -SAWIRRO

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Agaasimayaasha Cusub ee Radio Muqdisho iyo SNTV oo xilalka la wareegay -SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho, Mudane C/fitaax Daahir Jeyte ayaa maanta xilka ku wareejiyay, Agaasimaha Cusub ee Radio Muqdisho, mudane Yaxye Cali Faarax oo Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) uu shalay u magacaabay Agaasimaha cusub ee Radiyaha.

Agaasimihii hore C/fitaax Daahir Jeyte ayaa sheegay in wax badan lasoo qabtay waxne ay dhimanyihiin, isagoo agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu meeshaas kasii wado, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in qof xog ogaal u ah shaqada loo soo magacaabo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho, Yaxye Cali Faarax ayaa agaasimihii hore uga mahadceliyay shaqadii uu usoo qabtay Qaranka, isagoo xusay inuu halkaas ka sii wadi doono.

Dhanka kale Agaasimihii hore ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Liibaan Cabdi Cali ayaa xilka ku wareejiyay Agaasimaha cusub ee Telifishinka, Mudane Faarax Salaad Dharaar, wuxuuna uga warbixiyay Shaqada TVga iyo halka ay mareyso, isagoo kula dardaarmay inuu bulshada ugu adeego daacadnimo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo goobjoog ka ahaa xil wareejinta ayaa agaasimayashi hore ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay Qaranka usoo qabteen, isagoo agaasimayaasha cusubna kula dardaarmay iney shaqada halkooda kasii wadaan.

Previous Post

Madaxweynaha Koofur galbeed oo kulan la qaatay bulshada magaalada Baraawe

Next Post

Guddoomiye Mursal oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha golaha Shacabka oo Magacaabay Guddiga ku meelgaarka ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka

Guddoomiye Mursal oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In