Xilli shalay wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadwaynaha JFS Mudane C/raxman Cumar Cusman (Eng. Yarisow) uu shalay isbadal ku sameeyay waaxyaha wasaaradda ayaa maanta agaasimayaashu waxa ay la kala wareegeen xafiisyada loo magacaabay.
Liibaan Cabdi Cali agaasimaha cusub ee Telefishinta Qaranlka ayaa xilka kala wareegay Naasir Xassan Xuseen oo isna waaxda Maamulka iyo qorshaynta kala wareegay C/llahi Sh C/raxmaan Haybe oo loo badalay waaxda Sonna.
C/raxman Sh Yuusuf Al-cadaala oo si KMG loogu magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa waaxda Sonna ku wareejiyay C/llahi Sh C/raxmaan Haybe.
Agaasimayaasha ayaa kormeeray qaabka shaqo ee Waaxyaha Talefishinka, Sonna, iyo xafiisyada kale, waxaana ay shaqaalaha waaxyaha kula dardaarmeen inay shaqadooda u gutaan si hufan.
Agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay Radio Muqdisho ayaa isna la filayaa inuu dhawaan xilkiisa la wareego.