Tuesday, August 16, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasime Cadaala “Telefishinka Qaranka waxa uu bilaabay tebinta tooska ah ee barnaamijyada oo ay dadka ka faa’iideysan karaan”DHAGEYSO

October 18, 2015
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Agaasime Cadaala “Telefishinka Qaranka waxa uu bilaabay tebinta tooska ah ee barnaamijyada oo ay dadka ka faa’iideysan karaan”DHAGEYSO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa todobaadkan si rasmi ah u bilaabay baahinta barnaamijyo toos ah oo ay dadweynaha kaga qeyb geli karaan, kaasi oo looga hadlayo hadba mowduuca markaas taagan, waxaana uu iminka ku talaabsaday horumar dhanka baahinta tooska ah.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar Al-cadaala ayaa sheegay in tebinta tooska ah ay bulshada fursad u tahay, isla markaana ay uga faa’iideysan karaan inay madaxda su’aalo weydiiyaan.

Related posts

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

August 15, 2022
Guddoomiye Golaha Shacabka oo qaabilay Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Soo Saaray Liiska 14-ka Guddi Ee Golaha

August 15, 2022

Mudane Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa tilmaamay in bulshada ay madaxdooda weydiin karaan su’aalaha ay tabayaan, isagoo intaa ku daray inay sii xoojinayaan fursadaha ay bulshada u heli karaan inay madaxdooda xog wareystaan.

“Runtii Wasiir Maareeye ayaa dadaal badan geliyay, waxaan ugu hambalyaynayaa Ummadda Soomaaliyeed ee saddexdii maalin ee la soo dhaafay ee sida tooska ah uga qeyb qaatay, runtii dadweynuhu iyaga oo goobahooda shaqo ama guryahooda jooga ayay ka qeyb qaadan karaan barnaamijyada tooska ah ee ka baxaya Telefishinka Qaranka” ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka ayaa tilmaamay in barnaamijyo gaar ah oo ay ugu talagaleen dadweynaha laga baahin doono telefishinka Qaranka, isla markaana dadweynaha iyo madaxda ay si toos ah u wada hadli doonaan, si talada dadweynaha loo dhageysto oo madaxda.

Halkan ka dhageyso

130514_008

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka wada tashiga Qaran ee hanaanka doorashada 2016-ka oo goordhaw furmaya

Next Post
Shirka wada tashiga Qaran ee hanaanka doorashada 2016-ka oo goordhaw furmaya

Shirka wada tashiga Qaran ee hanaanka doorashada 2016-ka oo goordhaw furmaya

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

August 15, 2022
0

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtar Roobow Cali oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Saalax...

Guddoomiye Golaha Shacabka oo qaabilay Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Soo Saaray Liiska 14-ka Guddi Ee Golaha

August 15, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14-ka Guddi ee Golaha iyo...

Madaxweyne Xasan Oo Dib Ugu Soo Celiyay Saadaq Cumar Darajadiisa Ciidannimo

Madaxweyne Xasan Oo Dib Ugu Soo Celiyay Saadaq Cumar Darajadiisa Ciidannimo

August 15, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed...

William Samoei Ruto Oo Loo Doortay Madaxweynaha Kenya

William Samoei Ruto Oo Loo Doortay Madaxweynaha Kenya

August 15, 2022
0

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Samoei Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxwenaha ee Kenya....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In