Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasime Nasser:- “Soomaaliya waxaa laga hirgelinayaa nidaamka Digitalka ah.” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Agaasime Nasser:- “Soomaaliya waxaa laga hirgelinayaa nidaamka Digitalka ah.” “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

04 December 2015 – Agaasimaha Qorsheynta & Xiriirka Caalmiga ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Nasser Hassan Hussein oo maalmahan socdaal shaqo ku jooga dalka Koofur Afrika ayaa kulan gaar ah la qaatay Mr GU Xun oo ah Ku-Xigeenka Guddoomiyaha StarTimes ee u qaabilsan xiriirka caalmiga ah. StarTimes ayaa ah Shirkad dhanka Warbaahinta tan ugu sareysa ee dalka Shiinaha oo wada qorshe ay ku ballaarineyso howlaheeda warbaahineed dalalka Afrika.

Agaasime Nasser iyo Mr GU ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya iyo StarTimes si ay uga wada shaqeeyaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa barnaamijka Digital-ka oo looga guuri lahaa nidaamka analog oo adduunka intiisa badan ka guuray.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Agaasime Nasser ayaa yiri “Soomaaliya inay ka guurto nidaamka analoga waa fursad qaali ah oo StarTimes ay ka saacidi doonto Soomaaliya si dalka oo dhan loo gaarsiiyo nidaamka Digital-ka oo caalamka u wada guuray. Tani waxey keeneysaa warbaahinta Soomaaliya oo awalba ku tallaabsatay horumar ballaaran inay noqoto mid casri ah oo la tartami karta beesha caalamka.”

Agaasime Nasser ayaa u mahadceliyey Ku-xigeenka Guddoomiyaha StarTimes Mr Gu Xun kuna casuumay inuu soo booqdo Soomaaliya. Agaasime Nasser ayaa yiri “Waxaan Mr GU Xun uga mahadceliyey dadaalkiisa ku aadan in StarTimes ay Soomaaliya ka howlgasho kana saacido dalka sidii nidaamka Digital-ka looga hirgelin lahaa iyo sidii loo horumarin lahaa Warbaahinta Soomaaliya. Waxaana u fidiyey casuumaad rasmi ah oo uu ku yimaado Soomaaliya si dhaqangelinta barnaamijkaas loo sii ambaqaado.”

Mr GU Xun ayaa dhankiisa u fidiyey casuumaad rasmi ah Agaasime Nasser iyo saraakiil ka socota Wasaaradda Warfaafinta oo bilowga sanadka 2016 booqasho ku tagi doona dalka Shiinaha si loo sii ambaqaado go’aanadii kulankii ay Mr GU Xun iyo Nasser ku wada gaareen dalka Koofur Afirka.

Agaasime Nasser ayaa ka qeybgalay kulanka Shiinaha & Afrika ee dhanka Warbaahinta oo lagu qabtay dalka Koofur Afrika. Kulankan oo hordhac u ahaa kulanka guud ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Shiinaha oo 4ta iyo 5ta December 2015 ka qabsoomi doona magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

DHAMAAD

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed

Previous Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlaya Xiisadihii Gaalkacyo “Sawirro+Dhageyso”

Next Post

Allaha U  Naxariistee Marxuumad Hindiya Oo Muqdisho Lagu Aasay “Sawirro”

Next Post
Allaha U  Naxariistee Marxuumad Hindiya Oo Muqdisho Lagu Aasay “Sawirro”

Allaha U  Naxariistee Marxuumad Hindiya Oo Muqdisho Lagu Aasay "Sawirro"

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In