Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasime Nasser:- “Soomaaliya waxaa laga hirgelinayaa nidaamka Digitalka ah.” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Agaasime Nasser:- “Soomaaliya waxaa laga hirgelinayaa nidaamka Digitalka ah.” “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

04 December 2015 – Agaasimaha Qorsheynta & Xiriirka Caalmiga ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Nasser Hassan Hussein oo maalmahan socdaal shaqo ku jooga dalka Koofur Afrika ayaa kulan gaar ah la qaatay Mr GU Xun oo ah Ku-Xigeenka Guddoomiyaha StarTimes ee u qaabilsan xiriirka caalmiga ah. StarTimes ayaa ah Shirkad dhanka Warbaahinta tan ugu sareysa ee dalka Shiinaha oo wada qorshe ay ku ballaarineyso howlaheeda warbaahineed dalalka Afrika.

Agaasime Nasser iyo Mr GU ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya iyo StarTimes si ay uga wada shaqeeyaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa barnaamijka Digital-ka oo looga guuri lahaa nidaamka analog oo adduunka intiisa badan ka guuray.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Agaasime Nasser ayaa yiri “Soomaaliya inay ka guurto nidaamka analoga waa fursad qaali ah oo StarTimes ay ka saacidi doonto Soomaaliya si dalka oo dhan loo gaarsiiyo nidaamka Digital-ka oo caalamka u wada guuray. Tani waxey keeneysaa warbaahinta Soomaaliya oo awalba ku tallaabsatay horumar ballaaran inay noqoto mid casri ah oo la tartami karta beesha caalamka.”

Agaasime Nasser ayaa u mahadceliyey Ku-xigeenka Guddoomiyaha StarTimes Mr Gu Xun kuna casuumay inuu soo booqdo Soomaaliya. Agaasime Nasser ayaa yiri “Waxaan Mr GU Xun uga mahadceliyey dadaalkiisa ku aadan in StarTimes ay Soomaaliya ka howlgasho kana saacido dalka sidii nidaamka Digital-ka looga hirgelin lahaa iyo sidii loo horumarin lahaa Warbaahinta Soomaaliya. Waxaana u fidiyey casuumaad rasmi ah oo uu ku yimaado Soomaaliya si dhaqangelinta barnaamijkaas loo sii ambaqaado.”

Mr GU Xun ayaa dhankiisa u fidiyey casuumaad rasmi ah Agaasime Nasser iyo saraakiil ka socota Wasaaradda Warfaafinta oo bilowga sanadka 2016 booqasho ku tagi doona dalka Shiinaha si loo sii ambaqaado go’aanadii kulankii ay Mr GU Xun iyo Nasser ku wada gaareen dalka Koofur Afirka.

Agaasime Nasser ayaa ka qeybgalay kulanka Shiinaha & Afrika ee dhanka Warbaahinta oo lagu qabtay dalka Koofur Afrika. Kulankan oo hordhac u ahaa kulanka guud ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Shiinaha oo 4ta iyo 5ta December 2015 ka qabsoomi doona magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

DHAMAAD

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed

Previous Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlaya Xiisadihii Gaalkacyo “Sawirro+Dhageyso”

Next Post

Allaha U  Naxariistee Marxuumad Hindiya Oo Muqdisho Lagu Aasay “Sawirro”

Next Post
Allaha U  Naxariistee Marxuumad Hindiya Oo Muqdisho Lagu Aasay “Sawirro”

Allaha U  Naxariistee Marxuumad Hindiya Oo Muqdisho Lagu Aasay "Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In