Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaali mudane Cali Gacal Gaabow oo xafiiskiisa ku qaabilay Gudomiyaha Gudiga Shaqaalaha (Rayidka) Somaliyeed Xasan Abshiraw Maxamed ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo dhanka shaqada ku saabsan.
Mas’uuliyiinta ayaa kulankooda diiradda ku saaray fulinta nadaamka shaqaalaha oo ay ugu horayso isla xisaabtan iyo dhamaan in shaqaaluhu soo xaadiraan wakhtiga loo qorsheayey shaqada sida subaxdii iyo Galabkii oo ay maraan suul saarka oo ah nadaam Electronic ah oo lagu ogaanayo qofkii Gutay wajibaadkiisa shaqo iyo kii aan gudan intaba.
Agasime Cali Ga’al Gabow ayaa uga warbixiyey Guddomiye Abshiraw inay dhamaan shaqalaha la socod siiyeen ku soo noqoshada Shaqada, madaama uu dhamaaday xanuunkii COVID-19 oo isaga awgii ay shaqaale badan ugu maqnaayeen shaqada, Gufdomiyaha ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo shaqaalaha qaadashada iyo ku dhaqanka awaamiirta Guddiga shaqaalaha.