Kulan aqoon isweydaarsi ah oo loo qabtay agaasimo waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha dowladda ayaa maanta lagu qatay Muqdisho.
Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa lagu hadlayaa diyaargarowga sameynta miisaaniyadda miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2016-ka iyo tayeeynta maamulka Maaliyadda.
Xisaabiyaha guud ee Qaranka Axmed Muumin Siraaji oo ka hadlay furitaanki kulankan ayaa sheegay in kulankan aqoon isweydaarsiga ah uu kaalin weyn ka qaadandoono hagaajinta xisaabaadka maaliyadda dalka.
Aqoon kororsigaan maanta loo gabqay agaasimo waaxeedyadda maamulka iyo maaliyadda wasaaraha dowladda ayaa qayb ah qorsha lagu horumarinayo hanaanka maamulka maliyadda dalka.